Laba arrimood oo aan looga hadlin warmurtiyeedkii Muqdisho

Shirka Muqdisho ayaa socday ku dhowaad todobo maalmood Lahaanshaha sawirka SONNA
Image caption Shirka Muqdisho ayaa socday ku dhowaad todobo maalmood

Shirkii ku dhammaaday Muqdisho waxaa laga soo saaray war saxaafadeed ka koobnaa lix qodob oo ay ku heshiiyeen hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Warmurtiyeedka loogama hadlin arrimo dhowr ah oo horay u sababay khilaafkii ugu weyn ee dhowaanahan soo kala dhexgalay maamullada iyo dhowladda federaalka ah.

Qodobadaas waxaa ka mid ahaa:

Khilaafkii ka dhashay arrimaha Khaliijka

War saxaafadeedka laga soo saaray heshiiska waxaa lagu xusay in dowladda federaalka iyo maamullada ay ku heshiiyeen in lagu wada shaqeeyo "jawi ku dhisan kalsooni, dulqaad, tanaazul iyo masuuliyad."

Balse qoraalka loogama hadlin sida looga wada hadlay khilaafka ka dhashay sida loogu kala aragti duwan yahay dhibaatada dalalka khaliijka oo saameeysay wada shaqeynta ka dhexeyso dowladda dhexe iyo maamullada federaalka.

Qaar ka mid ah maamul goboleedyada ayaa ku doodayay in dowladda dhexe ay la safato dowladda Sacuudiga iyo kuwa is beheysiga la ah ee go'doomiyay Qadar. Balse dowladda madaxweyne Farmaajo waxay qaadatay go'aan dhexdhexaad ah.

Taasi waxay sababtay khilaaf siyaasadeed oo labada dhinac ah. hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada ayaa heshiis ku saxiixday Kismaayo.

Balse heshiiska muqdisho lagu saxiixay waxaa lagu yiri: "Dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada waxay xoojinayaan wadashaqaynta labada dhinac si looga fogaado wax waliba oo keeni kara shaki iyo khilaaf siyaasadeed".

Balse Cabdirashiid Xaashi oo ka tirsan machadka cilmi baaridda ee Heritage ayaa sheegay: "Waxaa dhici karta in ay jiraan in badan oo faahfaahinno ah oo aan la qori karin, laakiin la iska afgartay."

"Si kale haddii loo dhigo, wax kastaa waa laga wadahadlay sida xiisadda Galmudug ama Koofur-Galbeed, waxaana la iskaga afgartay in la is aaminay, laguna heshiiyay in amniga xoogga la saaro."

Golaha Kismaayo:

Lahaanshaha sawirka SONNA

Kadib khilaaf iyo kala shaki soo kala dhexgalay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada, Kismaayo waxaa lagu dhisay gole ay ku mideysan yihiin dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha Puntland, Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo BBC-da la hadlay maalin ka dib markii golaha la dhisay ayaa sheegay in shirkii Kismaayo uu ahaa mid dastuuri ah. "Waa waxa aan sharci u leenahay, ee ma jiraan wax aan ku qabsanay dowladda federaalka," ayuu yiri.

Waxay madaxda maamul goboleedyada, Ksimaayo ka sheegeen in ay ka cabanayaan sida dowladda ay sharciyada u meel mariso iyo in "faragelin toos ah ku hayso maamulladooda."

Sidoo kale madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maalmo ka dib shirkii Kismaayo soo saaray war saxaafadeed ayaa si taxadar leh uga hadlay shirkaas.

Waxaa qoraalkaaas lagu billaabay: "Madaxweyne Farmaajo wuxuu si dhaw ula socdaa dareenka ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey'adaha Federaalka iyo hey'adaha heer Dowlad Goboleed, si looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed."

Hadaba heshiiska Muqdisho lagu saxiixay kuma cadeyn waxa laga yeelayo golihii Kismaayo iyo waxa shaqadiisa ay noqoneyso ama galaangalkiisa siyaasadeed.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Madaxweynaha Puntland oo aynu ka wareysanay go'aamadii Kismaayo & arrimo kale

Kullanka ayaa waqti badan qaatay, "jawigii ka horeeyay shirka ayaana ahaa mid aan saamaxayn in si fudud heshiis loo gaaro," Sida uu isbuucii tagay BBC-da u sheegay Guleed Saalax oo ka tirsan machadka cilmi baaridda siyaasadeed ee SIDRA.

"Kala shakiga badan iyo xiriirka oo xumaaday, ee soo jiray mudooyiinkii ugu dambeeyay, waxay keenayaan in aan is afgarad lagu gaarin si degdeg ah," ayuu yiri Guleed.

Khilaafka ka dhashay arrimaha Khaliijka iyo Golaha lagu dhisay Kismaayo ayaa xiriir lahaa.

Cabdirashiid Xashi oo ka tirsan machadka Heritage ee Muqdisho ayaa sheegay: "Ka hor shirka aad ayaa loo kala fogaa, gaar ahaan maamul goboleedyada ayaa si weyn uga sheeganayey dowladda federaalka, marka in heshiis laga gaaray dhammaan qodobadii ajandaha ku qornaa waxay muujinayaan in shirku guul ku dhamaaday."

"In badan oo qodobada la isku hayey ka mid ah, guddi farsamo ayaa loo saaray, mabaadii'da lagu wada shaqaynayana waa la sheegay," ayuu yiri Cabdirashiid.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan