Hay'ado ku baaqay in la kordhiyo ciidamada nabad ilaalinta dalka Jamhuuriyadda Afriakda Dhexe

CAR Lahaanshaha sawirka Getty Images

Hay'ada maxali ah iyo kuwo caalami ah ayaa sheegaya in heerka amni darrada ka jirta dalka jamhuuriyadda Afrikada Dhaxe ay ka xuntahay xilligii ciidamada nabad ilaalinta dalkaasi la geynayay sanadkii 2014-kii.

Hay'adahan oo gaaraya 28 hay'adood ayaa waxa ay doonayaan in la kordhiyo ciidamada nabad ilaalinta isla markaana la siiyo awood dheeraad ah.

Waxa ay sidoo kale dalbanayaan in golaha ammaanka uu ciidamadani hawshooda ugu weyn ka dhigo in ay ilaaliyaan nolasha iyo hantida dadka rayidka ah ee ku nool dalkaasi.

Ciidamada nabad ilaalinta ayaa lagu eedeeyay in aysan sidii la rabay u caawin dadka rayidka ah ee colaadda gunta u galay.

Inkastoo horey heshiis nabadeed loo saxiixay, haddana waxaa soo kordhayay dagaalka ka jiro qeybo ka mid ah dalkaasi.