Labo wiil oo yaryar oo ku dhintay gaari fasalkooda jiiray

Booliiska Sydney oo baaraya shilka Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Booliiska Sydney oo baaraya shilka

Labo wiil oo siddeed jirro ah ayaa dhintay ka dib markii uu gaari jiiray fasalka iskuulkooda oo ku yaalla magaalada Sydney, sida ay booliisku sheegeen.

Shilkan ka dhacay iskuulka Banksia Road Public School waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex gabdhood oo isbitaal lagu dabiibayo.

Shaqaalaha caafimaadka ee gurmadka degdegga ah ayaa baaray xaaladda caafimaad ee 19 ilmood oo kale oo fasalka ku sugnaa, sida ay dawladdu sheegtay.

Haweenay 52 jir ah oo gaariga waday ayaa saldhig booliis loo sii qaaday, saraakiishuna waxay sheegayaan in ay u arkaan in shilka uu u dhacay si aan ku talogal ahayn.

Shilkan ayaa Talaadadii ka dhacay deegaanka Greenacre saacadda goobtaas markii ay ahayd 09:45.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Masuuliyiinta ayaa goobta ku tilmaamay mid argagax leh

Gurmadka caafimaadka degdegga ah ayaa sheegay in uu argagax ka jiray goobtii uu shilku ka dhacay.

"Dabcan meel dhiig ku daatay bay ahayd" ayuu yiri Stephanie Radnidge oo ka tirsan waaxda gawaarida gurmadka degdegga ah ee South Wales.

"Carruur badan iyo macalimiin aad u argagaxay ayaa ku sugnaa goobta uu shilka xun ka dhacay".