AMISOM oo billaabaysa in ay ka baxdo Soomaaliya

Ciidamada qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika Lahaanshaha sawirka AMISOM
Image caption Ciidamada qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika

Ciidamada AMISOM ayaa ku dhawaaqay in dhammaadka sanadkan ay billaabayaan in ay ka baxaan Soomaaliya.

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Francisco Caetano Madeira, ayaa Muqdisho kaga dhawaaqay in 1,000 askeri oo ka mid ah AMISOM ay ka bixi doonaan Soomaaliya, marka la gaaro dhammaadka bisha Desembar ee sanadkan.

Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jibuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab.

War ka soo baxay ciidamada AMISOM ayaa lagu sheegay "bixitaanka waxaa ku xiran shuruudo lagu xaqiijinayo ilaalinta guulaha ay sameeyeen AMISOM iyo ciidamada qaranka Soomaaliya".

Image caption Wikiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Madeira

AMISOM ayaa sheegtay in ay howlgelin doonto "500 oo asker boolis Soomaali ah si ay gacan uga geystaan amniga iyo kala dambeynta dalka."

Wikiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in "Ciidamada Soomaaliya ay si degdeg ah ugu baahan yihiin in la siiyo hub, sahay iyo mushaar wakhtiyeysan."

"Dib u habeynta ciidamada AMISOM waa mid loo baahan yahay in la hirgeliyo, iyadoo la eegayo go'aankii Midowga Afrika iyo golaha amniga ee Qaramada Midoobey," ayuu yiri Ambo Madeira oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho.

Lahaanshaha sawirka AMISOM
Image caption Ciidamada booliska Soomaaliya

Dhanka kale, madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo wuxuu la kulmay saraakiisha ugu sareysa dhanka amniga dalka.

Wakaaladda wararka ee dowladda Soomaaliya ee SONNA ayaa qortay "Madaxweynaha ayaa arkay abaabulka ugu dambeeya ee Ciidanka Xoogga ay ugu diyaar garoobayan dagaalka ballaaran ee Alshabaab lagaga sifaynayo dalka."

Lahaanshaha sawirka SONNA

Dowladda federaalka ayaa sheegtay in ay dooneyso in ay bilowdo olole ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo abaabulkiisu uu bilowday ka dib qarixii Soobe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqday qaar ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, waxaana la sheegay in uu weydiisanayay in ay ka caawiyaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Qorshaha Farmaajo ka dib weerarkii Soobe

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan