Maradona oo qandaraas u saxiixay dalka Venesuela

Maradona iyo Maduro Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Maradona iyo Maduro

Ciyaaryahanka caanka Diego Maradona ee ciyaaraha hawlgabka ka noqday ayaa qandaraas la saxiixday taleefishinka dowladda ee dalka Venesuala, halkaas oo uu ka tabin doono barnaamij ciyaaro ah xiliga lagu guda jiro koobka adduunka ee ka dhici doona dalka Ruushka.

Waxa uu heshiiskan saxiixayaa xili dalka Venesuala uu wajahayo qalalaase dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

Hase yeeshee Maradona ayaa ka mid ahaa taageerayaasha ugu waaweyn ee madaxweynaha dalkaasi Maduro, isaga oo marar badana difaacay.

Xisbiyada mucaaradka dalkaas ayaa Maradona uga digay in uu taageero dowladda.

Maradona ayaa kubad la dheelay madaxweyne Maduro waxyar kadib markii uu heshiiska saxiixay, waxaana la ciyaarayay koox caruur ah magaalada Caracas ee caasimadda ah.

Maradona ayaa daadihiyay barnaamij caan noqday xiligii lagu gudajiray ciyaarihii koobka adduunka ee 2014-kii.

Ciyaaryahankan ayaa caan noqday kadib markii uu koobka u qaaday dalkiisa Argentine sanadkii 1986-dii, wuxuuna ka mid yahay dadka lagu xusuusto mucjisada kubadda cagta.