Madaxweynaha Faransiiska oo booqanaya Sucuudiga

Macron Lahaanshaha sawirka AFP

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa boqosho aan horey loo sii qorsheyn waxa uu ku tagayaa dalka Sucuudiga, halkaasi oo uu arrimo badan kala xaajoon doono madaxda Sucuudiga.

Arrinta ugu muhiimsan ayaa ah xasaradda ka taagan dalka Lubnaan kaddib markii uu dhawaan iscasilay ra'iisalwasaare Sacad Xariiri.

Xariiri ayaa iscasilaaddiisa ku dhawaaqay isaga oo jooga dalka Sucuudiga, waxaana arrintaasi ay dad badan u arkeen in ay ka dhalatay cadaadis uga yimid Sucuudiga.

Dowladda Sucuudiga ayaa hadda ugu baaqday muwaadiniinteeda in ay deg deg uga baxaan dalka Lubnaan.

Waddamada Kuweyd iyo Imaaraadka ayaa sidoo kale muwaadiniintooda ku amray in ay dalkaasi isaga baxaan.

Dadka falanqeeya arrimaha bariga dhexe ayaa sheegaya in dalkaasi Lubnaan uu hadda qarka u saaran yahay in ay ku hardamaan waddamada Sucuudiga iyo Lubnaan.