Donald Trump:Putin waxaan yeelanay wadaxaajood wanaagsan"

Mr Putin iyo mr Trump waxa ay markii ugu horeysay ku kulmeen dalka Jarmalka Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mr Putin iyo mr Trump waxa ay markii ugu horeysay ku kulmeen dalka Jarmalka

Madaxwayne Donald Trump ayaa sheegay in wadaxaajood fiican ay yeesheen madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin markii ay si kooban ugu kulmeen shir waynihii wadamada Eeshiya ee ka dhacay Vietnam.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayuu mr Trump ku tilmaamay dad uu naceyb ka buuxo iyo doqonimo kuwa aan dhiirigalin xiriir wanaagsan oo dhexmara wadamada.

Mar sii horreysay ayuu sheegay Trump in Mr Putin uu u sheegay in aflagaado ay tahay eedeeynta ku saabsan in Ruushka ay faragalin ku sameeyeen doorashadii Mareykanka 2016.

Laamaha sirdoonka Mareykanka ayaa horey u sheegay in Ruushka ay isku dayeen in ay u xagliyaan mr Trump doorashadii madaxwaynanimada.

"waxa uu sheegay in gabi ahaanba uusan faragalin doorashadeena,"ayuu yiri madaxwaynaha Mareykanka.

Hasa yeeshee ka dib cambaarayn xoogan ,ayuu Mr Trump waxa uu muujiyay in uu taageersan yahay natiijada ka soo baxday baaritaanada hay'adaha sirdoonka.

"Haddii aan rumaysnahay iyo haddii kalaba ,waxa aan la jiraa hay'adaheena ,waxa aan aaminsanahay hay'adaheena sirdoonka,"ayuu yiri.

Madaxwayne Trump iyo dhigiisa Ruushka ma aysan yeelan kulan fool ka fool ah markii ay isku arkeen shirkii waamada Eeshiya.

.