Xisbiga rai'sul wasaarihii Lubnaan Sacad Al-Xariri oo difaacay Sacuudiga

Madaxwayne Michel Aoun (Bidix) ayaa walaac ka muujiyay arrinta Sacad al-Hariri (Midig) Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxwayne Michel Aoun (Bidix) ayaa walaac ka muujiyay arrinta Sacad al-Hariri (Midig)

Xisbiga rai'sul wasaaraha Lubnaan ,Sacad Al Xariri, ayaa soo saaray bayaan adag oo u janjeera Sacuudiga islamarkana ka dhan ah Iiraan, iyada oo ay jirto walaac baahsan ee ka jira Lubnaan ee ku aadan in Xariiri uusan xor ahayn oo Sacuudiga lagu hayo.

Xisbigani oo lagu magacaabo dhaqdhaqaaqa Mustaqbalka ayaa cambaareeyay weerarada dhanka afka ah ee lala bartilmaameedsanayo Sacuudiga.

Bayaanka xisbiga ayaa waxa lagu xaqiijiyay waxa loogu yeeray xiriirka walaaltinimo ee boqortooyada kala dhexeeya.

Saraakiisha xisbiga ayaa sidoo kale ku celiyay baqoodii ahaa in Mr Xariiri uu Lubnaan dib ugu soo laabto.

Bayaanka xisbiga dhaqdhaqaaqa Mustaqbalka ayaa ku soo beegmaya xilli madaxwayne,Michel Aoun, uu walac ka muujiyay arrimaha aan kala caddeyn ee hareeyay xaaladd Mr Xariri.

Madaxweynaha Lubnaan, Misheel Cawn, ayaa ugu baaqay Sucuudiga in uu sharaaxaad ka bixiyo sababta Sacad Al-Xariri ugu noqon waayey dalkiisii tan iyo markii uu iska casilay xilkii Ra'isal Wasaarenimo ee uu kaga dhawaaqay magaalada Riyaad.

Cawn ayaa sheegay in wax kasta oo uu Al-Xariiri yidhi ama aanu sheegin ba aanay ka turjumayn xaqiiqada maadaama uu duruufo shaki leh kala kulmay Sucuudiga.