Rabshado ka dhacay Brussels markii ay Morocco u soo baxday Koobka Adduunka

Booliiska rabshadaha ka hor taga iyo biyo diiran ayaa wadooyinka la geeyay Lahaanshaha sawirka Twitter/ @BekahMolony_
Image caption Booliiska rabshadaha ka hor taga iyo biyo diiran ayaa wadooyinka la geeyay

In kabadan 20 askari oo booliis ah ayaa ku dhaawacmay magaalada Brussels ka dib markii dabaaldegyo loo samaynayay Morocco oo u soo baxday Koobka Adduunka ay isu badaleen rabshado.

Xulka qaranka Morocco ayaa u soo baxay Koobka Adduunka ee sannadka 2018ka lagu qabanayo Ruushka ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen dalka Ivory Coast, Sabtidii, iyaga oo kaalinta koobaad u galay kooxihii ay isku horinta ku jireen.

Dalka Belgium waxaa ku nool bulsho badan oo Morocco ka soo jeedda, taageereyaasha ayaana wadooyinka qulqulay markii ay ciyaartaasi soo idlaatay.

Burburka arrintaas ka dhashay waxaa ka mid ah gawaari la gubay, muraayado burbursan iyo dukaammo la boobay, sida uu booliisku sheegay.

Qof goobjooge ah ayaa soo dhigay Twitterka dadka oo biyo diiran lagu kala eryayo, booliisku wuxuu sheegay in uu u adeegsaday illaa 300 oo ruux oo qaarkood ay dhagaxyo tuurayeen.

Degenaanshihii ayaa magaalada ku soo laabtay 21:30 wakhtiga dalkaas oo u dhiganta (20:30 GMT) sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Lahaanshaha sawirka AFP/ Getty Images
Image caption Dadkii ganacsiyada ku lahaa magaalada bartankeeda ayaa ku waabariistay ganacsiyadoodii oo burbursan
Lahaanshaha sawirka AFP/ Getty Images
Image caption Dadkii isu soo baxay qaarkood waxay waxyeelo u gaysteen waxyaabihii waddooyinka hareertooda ku yaalay
Lahaanshaha sawirka AFP/ Getty Images
Image caption Dadkii rabshadaha dhigay qaarkood waxay galeen ganacsiyo
Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dad dabaaldegaya ayaa sidoo kale isugu soo baxay Amsterdam
Lahaanshaha sawirka AFP/ Getty Images
Image caption Inta badan dabaaldegyadu waxay u dhaceen si nabad ah sida midkan ka dhacay Marrakesh