Soomaali ka mid noqotay guddiga hagta waxbarashada magaalada Hopkins ee Mareykanka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali ka mid noqotay guddiga hagta waxbarashada magaalada Hopkins ee Mareykanka

Soomaali u badan dhalinyaro ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay waxa ay ka soo dhexmuuqdeen siyaasadda Mareykanka gaar ahaan kuraasta loo tartamo ee gobolka Minnesota, halkaas oo saddex xubnood ay ku guulaysteen kuraas kala gedisan.

Hasayeeshee laba xubnood oo kale ayaa iyana ku soo baxay gobollada Georgia iyo Washington.

Dhalinyarada xilalka Minnesota ka heshayna waxaa ka mid ah Fartuun Aadan Ahmed, oo loo doortay in ay ka mid noqoto guddiga hagta waxbarashada ee deegaanka magaalada Hopkins.

Weriyaha BBC-da ee Mareykanka, Maxamed Xaaji Xuseen Shiine, ayaa la kulmay oo wareystay Fartuun, waxa uuna marka hore waydiiyay sida ay u aragto guushii ay gaartay?