Jaamacado laga dalbaday in ay ka laabtaan xayaysiimo marin habaabin ah

Siminaar
Image caption Jaamacadaha ayaa loo sheegay in ay aad ooga taxadaraan waxyaabaha ay ku sheeganayaan xayaysiimaha

Waaxda xayaysiimaha la socota ee dalka UK ayaa lix jaamacadood oo dalkaas ku yaalla ku amartay in ay joojiyaan xayaysiimahaha laga yaabo in ay marinhabaabinta yihiin.

Jaamacadahan oo kala ah Leicester, East Anglia, Strathclyde, Falmouth, Teesside iyo the University of West London ayaa dhammaantood laga diiday cabashooyin ay arrintaas ka soo gudbiyeen.

Waaxda xadaysa xayaysiimaha ayaa ka digaysa sheegashooyinka xad dhaafka ah ee ay samaynayaan jaamacadahaasi si ay ardayda u soo jiitaan.

Guy Parker oo ah madaxa waaxdaas ayaa sheegay in ay ardaydu u baahan yihiin "caddayn wanaagsan" marka ay gaarayaan go'aan dhaqaale intaas la eg ku baxayo.

"Marin habaabinta ardayduna in ay caddaalad darro ku tahay oo kali ah ma ah ee waxay u horseedi in ay qaataan doorashooyin aan ku haboonayn, ayuu yiri Parker.

Image caption Jaamacadaha ayaa ku loolamaya in ay arday cusub u helaan jaamacadahooda

Markii u horraysay ayay jaamacadaha la siin doonaa hageyaal ku aadan sidii ay uga baaqsan lahaayeen in ay gudbiyaan xog marin habaabin ah.

Nick Hillman oo madax ka ah Mac-hadka Siyaasadda Waxbarashada Sare ayaa sheegay in loolanka ka sii daraya ee jaamacadaha u dhexeeya "uu meel adag gaaray"

"Jaamacaduhuna waa in ay ka taxadaraan waxa ay sheeganayaan, loona baahan yahay in ay ka runsheegaan oo ay noqdaan kuwo faa'iido leh".

"Wayse wanaagsan tahay in ay hadda ardayda mustaqbalka u soo bandhigayaan macluumaad ka badan kuwii ay hore u soo bandhigi jireen."

Xayaysiimaha lixda jaamacadood laga diiday

  • Jaamacadda Falmouth ayaa laga dalbaday joojinta inay isku tilmaamto Jaamacadda UK ugu wanaagsan ee laga barto fanka ama Jaamacada ugu fiican dhanka hal-abuurka.
  • Jaamacada Teesside ayaa loo sheegay inay joojiso isku magacaabidda "Jaamacadda England ugu heerka saraysa ee ardayda quudareynaya inay qallin-jabiyaan."
  • Jaamacadda East Anglia ayaa laga dalbaday inaanay isku tilmaamin "Tan ay ku qancaan shanta arday ee ugu heerka saraysa".
  • Jaamacadda Leicester ayaa lagu amray inay joojiso in ay isugu yeerto "Jaamacadda boqolkiiba halka ugu wanaagsan caalamka".
  • Jaamacadda Strathclyde ayaa loo sheegay inay bedesho sheegashadeeda ah "waxaan noqonay jaamacadda koobaad ee UK ugu wanaagsan dhanka Fiisigiska".
  • Jaamacadda West London waa inay joojisaa sheegashada "Jaamacadda ugu wanaagsan, casrisanna London, kana mid ah tobanka jaamacadood ee ugu fiican UK".
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Hooyo Soomaaliyeed oo 60 jir ah oo jaamacad ka qalin jebisay