Nin Soomaali ah oo ka hadlay sida uu u dhacay "inqilaabka milatari" ee Zimababwe
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Nin Soomaali ah oo ka hadlay sida uu u dhacay "inqilaabka milatari" ee Zimababwe

Milateriga Zimbabwe ayaa hadal uu ka baahiyay telefishinka dowladda ee dalkaasi ZBC waxa uu ku sheegay inuu beegsanayo wax uu ku tilmaamay "dembiilayaal ku xeeran madaxweyne Robert Mugabe".

Haseyeeshee ciidamada ayaa beeniyay inay inqilaab ku rideen dowladda Zimbabwe, waxaana ay intaa ku dareen in madaxweyne Mugabe uu badqabo.

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda dalkaasi waxaa inoo soo koobaysa Fardowsa Maxamed Cilmi.

Haddaba si aan waxbadan uga ogaanno xaaladda ka taagan caasimadda Harare ee dalka Zimbabwe ayaa weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare waxa uu khadka telefoonka kula xiriiray Ismaaciil Maxamed Jaamac oo ah Soomaali halka ku nool.