Dublamaasi Australia u dhashay oo kasoo dhacay dabaq dheer oo ku yaala New York

New York Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption New York

Booliiska magaalada New York ayaa xaqiijiyay geerida dublamaasi Qaramada Midoobey u fadhiyay dalka Australia kadib markii uu kasoo dhacay dabaqa todobaad ee daar ku taala magaaladaasi.

Julian Simpson ayaa la sheegay in uu la caweynayay asxaabtiisa markii ay lugta u siibatay isaga oo ku sugan daarad yar oo ku taala dabaqa todobaad ee dhismihii uu saarnaa.

Warbaahinta Maraykanka ayaa tabinaysa in uu ciyaarayay nooc qamaarka ka mid ah oo uu qofka naftiisa biimeynayo, kadibna ku tashanayo in qofka la jooga uu qabto si uusan u dhicin.

Dublamaasigan ayaa darajo hoose ka haya saxaafadda Australia, waxaana geeridiisa ka hadashay wasiirka arrimaha dibedda dalkaasi Julia Bishop oo sheegtay in ay la kulantay safar ay dhawaan ku tagtay New York.