Aqalka Wakiiladda Mareykanka oo taageeray isbadal uu soo jeediyay Trump

Xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ayaa isbadalka ku tilmaamay mid u danaynaya maalqabeenada Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ayaa isbadalka ku tilmaamay mid u danaynaya maalqabeenada

Isabadalkii dhanka cashuuraadka ee uu soo jeediyay madaxwayne Trump ayaa helay taageero ka dib markii aqalka golaha wakiilada si dhib yar ay ku ansixiyeen.

Hindisa sharciyeedkan ayaa imika waxaa loo gudbin doonaa aqalka Sanetka si ay uga doodaan.

Mr Trump ayaa booqday Congreska si uu ugu baaqo xubnaha xisbiga Jamhuuriga in ay u codeeyaan tillaabooyiinkan isbadalka canshuuraadka ,inkastoo 13 xubnod ay ka soo horjeedsteen.

Hindisa sharciyeedkan ayaa waxa taageeray afhayeenka aqalka wakiilada Paul Ryan, waxa uuna sheegay in hindisa sharciyeedkan Canshuuraadka uu yahay sharciga ugu balaaran ee dib loogu dhisayo dhaqaalha.

Xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ayaa waxa ay ku doodeen in isbadalkan ay ka faaidayaan oo kali ah ganacsatada iyo dadka maal qabeenka ah.

Haddii aqalka Sanetka ay ansixiyaan hindisa sharciyeedkan ,waxa ay noqon doontaa isbadalkii ugu waynaa ee lagu sameeyo canshuuraha Mareykanka tan iyo intii madaxwayne Ronald Reagan uu dib u qorida ku sameeyay shuruucda canshuuraha sanaddii 1986.