Qaar ka mid ah hogaamiyayasha waqooyi bari Kenya oo ku dadaalayaa sidii arddada ay u heli lahayeen deeq waxbarasho
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waqoyi bari Kenya oo lagu dadaalayaa sidii arddada ay u heli lahayeen waxbarasho sare

Gobolka ay Soomaalida dagto ee waqooyi bari Kenya ayaa waxa inta badan la sheegaa in dhanka waxbarshada uu ka hooseeyo goboladda kale ee Kenya.

Xaalada waxbarshada gobolka ayaa ka sii dartay ka dib markii maclimiin badan oo wax ka dhigi jiray gobolka ay isaga baxeen halkaasi ka dib weeraro ka dhacay.

Hadaba waxa jira dadaalo ay wadaan qaar ka mid ah xildhibaanada gobolka waqooyi bari taasi oo ay ku doonayaan in ardada gobolka deeq waxbarsho looga helo wadamada dibada.

Xildhibaanka Koonfurta Wajeer Dr Maxamud Sheekh Maxamad Omaar oo imika ku sugan dalka Qubrus ayaa sheegay in madaxda dalkaasi uu la kulmay islamarkana uu balanqaadyo tabobar ah ka helay , Axmed Badar ayuu u waramay.