Baadigoobka markab la la'aa dalka Argentina oo la sii xoojiyay

Markabka ayaa la la'aa ilaa arbacadii Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Markabka ayaa la la'aa ilaa arbacadii

Badmaaxayaasha dalka Argentina ee baadigoobka ugu jira markabkii Gujiska ahaa ee San Juan ayaa sheegay in ay arkeen astaan muujinaysa markaabkaasi la la'aa tan iyo Arbacada .

Markabka ayaa waxaa saarnaa 44 shaqaala ah islamarkana waxaa baadigoobka uu socday tan iyo arbacadii.

Waxa ay noqonaysaa astaantii ugu horeysay ee laga helay Gujiska oo maalmamihii la soo dhaafay dadaal loogu jiray sidii wax badan looga ogaan lahaa halka uu ku dambeeyay.

Saraakiisha Argentine ayaa sheegay inay heleen todobo wicitaan oo la rumeysan yahay in uu ka yimid dhanka saterlitka oo guula dareysatay taasi oo loo badinayo inay ka imaanayeen Markabka.

Kooxaha baadigoobka iyo samatabixinta shaqaalihii saarnaa markabka ayaa hoos u galay boqolaal kiiomitir gudaha badda iyagoo raadinaya tan iyo habeenkii khamiista.

Howlgalka ayaa waxa curyaamiyay mowjado xooggan iyo bada oo kacsaneyd.

Maraakiibta iyo diyaaradaha dalalka Brazila,Mareykanka iyo Uk ayaa gacan siinayay baadigoobka loogu jiro markabkan.

Ehalada shaqaalah markabka ayaa iyaga oo naxsan ka war sugaya baaritaanka iyaga oo ku sugan saldhiga, dekada Mar del Plata ee Argentine.