Ciidammada Maraykanka ee Japan ku sugan oo khamrida laga mamnuucay

Saldhiga ciidammada Maraykanka ee Okinawa waxaa ku sugan tobannaan kun oo askar ah Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Saldhiga ciidammada Maraykanka ee Okinawa waxaa ku sugan tobannaan kun oo askar ah

Milatariga Maraykanka ee fadhigoodu yahay Japan ayaa laga mamnuucay in ay Khamri cabaan ka dib markii mid ka mid ah askarta oo cabsan uu gaari kaxeeyay ka dibna shil halis ah ku galay jasiiradda Okinawa.

Ciidammada Maraykanka ee ku sugan Okinawa ayaa sidoo kale loo sheegay in ay joogaan saldhigga ama guryahooda.

Askariga Maraykanka ah ayaa gaarigiisa ku dhuftay gaari yar Axaddii, wuxuuna dilay darawalkii kale.

Dadka deegaanka ayaa wakhti dheer ka soo horjeeday joogitaanka ciidammada Maraykanka.

War qoraal ah oo ka soo baxay ciidammada Maraykanka ayaa lagu xaqiijiyay in mid ka mid ah askartoodu uu ku luglahaa shilka "waxa kalifay shilkaasna laga yaabo in ay tahay khamri".

Millatariga ayaa sidoo kale ku dhawaaqay "tababar ay khasab tahay in ay askarta Maraykanka ee Japan joogta oo dhan galaan" kaas oo la xiriira adeegsiga khamriga, sida loo mareeyo halista iyo dabeecadaha la aqbali karo".

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Sannadkii 2016kii kumannaan dad ah ayaa ka qaybqaatay mudaaharaadyo lagaga soo horjeeday ciidammada Mararkanka

Booliiska dalka Japan ayaa sheegay in askariga Maraykanka dhiigiisa laga helay khamri saddex jeer ka badan intii qofka loo ogolaa, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Askarigaas ayaa hadda xabsi ku jira isaga oo ku eedaysan in uu si masuuliyad darro ah gaari u waday, sida ay booliisku sheegeen.