Konton ruux oo ku dhimatay qarax ka dhacay masaajid ku yaalla Nigeria

Khariidad

Ugu yaraan 50 ruux ayaa ku dhimatay isqarxin ka dhacday magaalada Mubi ee ku taalla waqooyiga-bari ee dalka Nigeria, sida ay booliisku sheegeen.

Goobta la qarxiyay ayaa ahayd masaajid waxayna dadku ku jireen jameecaadka salaadda subax marka qaraxu dhacay.

Qof goobjooge ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ay u muuqato in qofka qaraxa gaystay uu ka mid ahaa jameecaadkii salaadda tukanayay.

Qofna ma sheeganin in uu masuul ka ahaa qaraxa. Ururka Boko Xaraam ayaase badanaa qaraxyo ku bartilmaameedsada goobaha ay dadku isugu yimaadaan ee gobolka waqooyi bari ee Nigeria.