Facebook oo daaha ka rogaysa bogogga wararka beenta ah faafiya ee Ruushka

FACEBOOK Lahaanshaha sawirka Getty Images

Shirkadda Facebook ayaa qorshaynaysa in ay dadka tusto haddii ay ku taxnaayeen bogog ay sameeyeen "dadka ajaaniibta ah" kuwaas oo warar been abuur ah baahiyay intii lagu gudo jiray doorashadii Maraykanka.

Shirkaddan ay bulshadu ku xiriirto ayaa horray u sheegtay in laga yaabo in dad gaaraya 156 milyan oo Maraykan ah ay arkeen waxyaabo ay Facebook soo dhigeen dad fadhigoodu ahaa Ruushka, arrintaasina ay dhacday labadii sano ee la soo dhaafay.

Shirkaddu waxay samaynaysaa hab ay dadku ku ogaan karaan in ay la socon jireen bogag hadda la masaxay oo ay samaysay shirkad cilmibaaris ku samaysa Internetka oo Ruushka ku taalla.

Habkaas waxay shirkaddu soo bandhigi doonyaa bisha Dhisembar.

Shirkaddaas cilmi baarista ayaa ka dambaysay boqolaal fariin oo la dhigay Facebook, Instagram iyo Twitter-ka.

Bogag ay ka mid ahaayeen kuwo loo bixiyay Wadnaha Texas ama Heart Of Texas, Waddanimo iyo Xad Ammaan ah ayaa dhammaantood waxaa loo qaabeeyay in ay u ekaadaan in ay sameeyeen muwaadiniin Maraykan ah.

Bishii Nofembar ee sannadkii 2016kii ayuu Mark Zuckerberg oo Facebook aasaasay sheegay "in ay xoogaa aragti waali ah tahay" in la tilmaamo in wararka beenta ah ee baraha bulshada lagu faafiyay ay saamayn ku yeesheen doorashadii Maraykanka.

Lahaanshaha sawirka FACEBOOK

Intaas wixii ka dambeeyay shirkaddu waxay ogaatay kumannaan macluumaad oo la soo dhigay baraha bulshada iyo xayaysiimo lacag lagu bixiyay kuwaas oo ay sameeyeen dad Ruushka ku sugan.

Waxaana Facebook lagu dhaliilay in ay barteeda u ogolaatay in lagu baahiyay warar been abuur ah ayna wakhti dheer ku qaadato xallinta mashaakilkaas.

Ruushka ayaa si joogto ah u diida in uu isku dayay in uu saamayn ku yeesho doorashadii madaxweynenimada ee Maraykanka, taas oo Donald Trump uu kaga guulaystay Hillary Clinton.