Heshiis la doonayo in lagu celiyo qaxootiga Rohingya oo ay gaadheen Myanmar iyo Bangladesh

Kumanaan kun oo qaxootiga Rohingya ayaa hadda ku nool xeryo qaxooti oo Bangladesh ku taala Lahaanshaha sawirka AFP/ GETTY IMAGES
Image caption Kumanaan kun oo qaxootiga Rohingya ayaa hadda ku nool xeryo qaxooti oo Bangladesh ku taala

Dowaldaha Myanmar iyo Bangladesh waxay saxiixeen heshiis horseedi karaya in muslimiinta Rohingya ee ku jira xeryaha ku-meel gaarka ah ee Bangladesh dib loogu celiyo Myanmar.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Bangladesh waxay sheegtay in dadka barakacayaasha ah ay dib u noqon karayaan muddo laba bilood gudahood ah.

Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay in kabadan lix boqol oo kun oo qaxooti Rohingya waxay ka baxsadeen howlagal xoog leh oo milatariga Myanmar wadeen kaas oo dowladda Maraykanka iyo Qramada Midoobay ay ku tilmaameen isir sifeyn.

Xoghayaha arimaha dibada Maraykanka Rex Tillerson ayaa yidhi falka milatari ee Myanmar ee ka dhanka ah muslimiinta laga tirada badanyahay ee Rohingya inuu isku keenayo isir sifayn.

Wuxu yidhi Rohingya waxaa ku dhacay "gumaad xun" iyo sidaa ka dhalanaysa in Maraykanku ka fikirayo inuu cunaqabatayno bartilmaameed ka dhan ah kuwa ka masuulka ah.

Sebtember madaxa xuquuqal insaanka qaramada midoobay Zeid Raad Al Hussein ayaa sidoo kale ku dacweeyey Myanmar isir sifayn.

Tillerson faaladiisani waxay timid maalmo ka hor booqashada uu Pope ku tagay Myanmar.

Rohingya waa dad laga tiro badanyahay oo bilaa dawlad ah oo mudo dheer waayo arkay xasuuq Myanmar oo sidoo kale loo yaqaan Burma.

Hay'adda xuquuqda aadanah u dooda ee Amnesty International ayaa sheegaysa in Muslimiinta Rohingya hadii ay ku noqday Myanmar aysan ku nabad geli doonin intaa inta uu ka taliyo maamulka " isir takoorka ahi"