Ammaanka Nairobi oo la adkeeyay iyadoo maanta Kenyatta la calaeemo saarayo

A man waits ahead of the inauguration ceremony for Uhuru Kenyatta at Kasarani Stadium in Nairobi, Kenya, 28 November Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption The luckier Kenyatta supporters have seats inside the stadium

Kumanaan shacab ah iyo marti sharaf adduunyada ka kala socota ayaa ka qeybgalaysa munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo markii labaad loo doortay madaxweynenimada Kenya.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay guud ahaan caasimadda magaalada Nairobi, gaar ahaan halka ay munaasabadda ka dhacayso oo ah garoonka ciyaaraha Kasarani oo halkii mar ay gali karaan illaa 60 kun qof.

Illaa 20 hoggaamiyeyaasha adduunka ayaa kasoo qeybgalaya munaasabadda oo uu ka midyahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa diiday caleemo saarka, kuna tilmaamay mid aanan micno lahayn.

Dadkii uu ka buuxsamay garoonka Kasarani ayaa isku dayay in ay xoog ku galaan gudaha, taasna waxa ay keentay in booliiska adeegsadaan sunta dadka kaga ilmeeysiisa.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Taageerayaasha Kenyatta

Shaashado waaweyn ayaa la suray banaanka garoonka si dadka ay halkaas uga daawadaan "Kaliya waxaan rabaa in aan arko madaxweyne Uhuru, sababtoo waan u codeeyay, balse maxaa naloo garaacayaa" ayay tiri Janet Wambua oo ka mid ahayd dadkii meesha isku buuranayay.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Uhuru Kenyatta

Subaxnimadii hore dad ayaa safaf dhaadheer u galay garoonka Kasarani, waxaana lasoo sheegay in ay booliiska adeegsadeen sunta dadka kaga ilmeeysiisa kadib markii dadkii la maareyn waayay, taasna waxa ay keentay in ay dadka is buurtaan.

Dhanka kale mucaaradka ayaa sheegay in ay qaban doonaan munaasabad ay ugu baroor diiqayaan dadkii lagu diley rabshadihii ka dhashay doorashada.