Ciidamada Mareykanka ee jooga Suuriya iyo Ciraq oo ka badan intii la filayay

Tirada ciidamada Mareykanka ee suuriya joooga ayaa ka badan inta rasmiyan loo ogyahay Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption Tirada ciidamada Mareykanka ee suuriya joooga ayaa ka badan inta rasmiyan loo ogyahay

Tirada ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalalka Suuriya iyo Ciraaq ayaa ka badan intii saraakisha Pentagonka ay horey u sheegeen, waxaa sidaasi lagu xusay warbixin ay soo saartay waxada gaashaandhiga Mareykanka.

Rasmi ahaan tirada ciidamada Mreykanka ee ku sugan dalka Suuriya ayaa lagu sheegay 503 askari,halka Ciraaq ay ku sugan yihiin 5,262 oo askari.

Hasa yeeshee saraakiisha Pentagonka ayaa sheegay imika in ciidamada Mareykanka ee ku sugan Ciraaq ay tiradooda dhan tahay 1,720 askari ,halka Suuriya ay tirada ku sheegeen 8,892 .

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalalkaasi ayaa waxa ay qayb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda la baxday dowladda Islamka ee (IS).

Askarta mareykanka ee jooga Ciraaq iyo Suuriya ayaa wax ka mid ah maclimiin bixiya tababaro militari,la taliyayaal iyo ciidamo gaar ah.

Xoghayaha gaashaandhiga ee Mareykanka Jim Mattis ayaa horraantii sanadkan sheegay in tirada ciidamada Mreykanka ee ku sugan Suuriya ,Ciraaq iyo Afqaanistaan dib u eegis lagu samayn doono.

Hasa yeeshee tirada ciidamada ku sugan Afqanistan oo kali ah ayaa shaaca laga qaaday.

Mareykanka ayay ciidamo ka joogeen Ciraaq tan iyo intii duulaanka lagu qaaday Ciraaq 2003,waxa ayna tirada mar gaartay 168,000 oo askari horraantii bishii September 2007.