Trump oo sii faafiyey muuqaallo Islaam nacayb ah

Donald Trump Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Donald Trump

Donald Trump wuxuu Twitterkiisa ugu sii gudbiyey dadka seddex fiidiyow oo ay soo bandhigeen koox British ah oo midigta fog u janjeerta.

Kan hore wuxuu ka yimid Jayda Fransen, oo ah ku xigeenka hogaamiyaha Britain First, kaasoo ay ku sheegaysay inuu muujinayo muhaajir muslim ah oo weeraraya nin biro cuskanaya.

Kaas waxaa ku xigay laba fiidiyow oo kale oo ah dad ay Ms Fransen ku sheegtay inay muslimiin yihiin.

Britain First waxaa 2011 aasaasay xubno ka tirsanaan jiray xisbiga midigta fog ee British National Party (BNP).

Kooxda waxay soo jiidatay indhaha dadka isticmaala baraha bulshada, ayagoo soo dhiga macluumaad muran dhaliya oo ah wax ay u arkaan "islaamaynta UK".

Waxay diyaariyeen kooxo ka qayb gala doorashooyin Yurub ka dhaca oo looga soo horjeedo dadka soo galootiga ah iyo siyaasadaha ka hor jeeda ilmaha la iska soo rido, laakinse weli wax kursi ah kuma aysan guulaysan.

Waxay kaloo u tartameen doorashadii dhawayd ee duqa magaalada London, waxayna heleen 1.2% codadkii la bixiyey.

Fiidiyowga asalka ah waxaa dadka la wadaagtay Ann Coulter oo ah gabar Maraykan ah oo taxliilisa arrimaha muxaafidka, taasoo Mr Trump uu ka mid yahay dadka ku xiran barteeda Twitter.

Ms Fransen waxaa barteeda Twitter ku taxan 52,000 oo qof.

Lahaanshaha sawirka TWITTER/@REALDONALDTRUMP
Image caption Waxaa lagu qoray inay xambaarsan yihiin macluumaad xasaasi ah

Si farxad leh ayey uga falcelisay in Mr Trump uu dadka la wadaagay wixii ay soo dhigtay, waxayna soo qortay "Donald Trump qudhiisa ayaa sii gudbiyey fiidiyowyada, wuxuuna leeyahay 44 malyan oo ku taxan!"

"Allah ku barakeeyo Trump! Ilaahow Ameerika barakee" ayey ku sii dartay. Farriinta waxaa lagu sii gudbiyey Twitter-ka Britain First.

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Jayda Fransen waxay Twitter ku leedahay 52000 oo qof oo ku xiran

Horraantii bishan waxaa lagu eedeeyey Ms Fransen inay isticmaashay "hadallo ama dhaqammo cabsi galin, qadaf, iyo aflagaaddo ah" intii ay ku guda jirtay khudbad ay ka jeedisay Belfast.

Waxaa la soo taagi doonaa maxkamad ku taalla Belfast, 14 Disembar.

Go'aanka Mr Trump uu ku sii gudbiyey fiidiyowyada waxaa dhici karta inuu walaahow ka dhex abuuro baraha bulshada.

Brendan Cox oo xaaskiisii, xildhibaannaddii Britishka ahayd ee Jo Cox ee ay dileen xag jiriinta garabka midig ayagoo ku qaylinaya "Britain First" ka hor intii aysan falka gaysan, ayaa tallaabadan cambaareeyey.

Piers Morgan oo ah Saxafi iskuna tilmaama inuu saaxib la yahay madaxweynaha ayaa Twitter-kiisa ku qoray "Waa maxay waxa baas ee aad samaysay?"

"Fadlan JOOJI jooji waallidan oo ka saar waxyaabaha aad sii gudbisay" ayuu yiri.

Golaha muslimiinta ee Britain ayaa ugu baaqay xukuumadda UK "inay iska fogayso" hadalladaas.

Arrintan waxaa lagu soo qaaday baarlamaanka UK, waxayna xildhibaanadda ka socota xisbiga mucaaradka ee shaqaalaha, Yvette Cooper, ugu baaqday xukuumadda inay cambaareyso ficillada Mr Trump.

Laakin afhayeenka aqalka hoose ee mudaneyaasha, John Bercow, wuxuu sheegay inay khalad tahay in la fisho in xukuumaddu ay si dhakhsiyo leh jawaab u bixiso.