Xisbiga madaxweyne Trump oo horumar ka gaaray meel marinta sharciga canshuurta

trump Lahaanshaha sawirka EPA

Iskuday xisbiga jamhuuriga ee dalka Mareykanka uu ku doonayay in aqalka Kongareeska uu meel mariyo isbadal dhanka canshuuraha ah oo uu muran ka taagnaa ayaa horumar laga gaaray kaddib markii aqalka sare uu ogolaaday in uu ka doodo sharcigaasi.

Go'aankan ayaa ahaa mid waaqafsan mowqifka xisbigani haseyeeshee xisbiga dimuquraadiga ayaa diiday isbadalkan oo uu ku tilmaamay mid u daneynayo dadka maal qabeenka ahi.

Madaxweyne Trump ayaa booqanaya bartamaha Mareykanka si uu dadka uga dhaadhiciyo muhiimadda sharcigan.

Waxa uu ugu baaqay xubnaha xisbiga Jamhuuriga in ay dhaqan geliyaan sharcigan, kaa oo noqonaya kii ugu horreeyay ee si fudud ku dhaqan gala tan iyo markii uu xilka la wareegay bisjii Janaayo ee sandkan.