Jasiiradda ‘Boqortooyada’ dameeraha

Dameeraha
Image caption Dameeraha

Jasiiradda Antigue oo ka mid ah labada jasiiradod ee ugu waaweyn ee uu ka koobanyahay dalka Antigue iyo Barbuda ee badda Carribean-ka ku yaala ayaa waxa ay muddo dheer caan ku ahayd beeraha qasabka ah iyo soo saarista sokorta.

Dameeraha ayaa ahaa gaadiidka looga shaqayn jirey aseendooyinka qasab xilligaas.

Balse markii qasabkii is dhimay, islamarkaasna uu kordhay gaadiidka casriga ah, ayaa waxaa shaqo la'aan noqday dameerihii oo hadda tirada ka batay.

Warshadii ugu dambeysay waxaa la xiray sanadkii 1970-kii, waxayna taas keentay in dameeraha ay waayaan daryeel, sidaas oo ay tahay aad ayay u tarmeen.

Dameeraha waxa ay maanta astaan u yihiin wixii mar ahaan jirey dhaqaalihii xoogganaa ee lagu dhisay boqortooyada Ingiriiska oo halkan gumeysan jirtay.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Gaarissa:Sicirka dameeraha oo sare u kacay

"Dameeraha iyo fardaga waxaa laga yaabaa in ay halkan la yimaadeen qofkii ugu horeeyay oo Ingiriis ah oo halkan soo gaaray sanadkii 1630kii, kadibna waxa ay iska dhaleen baqlo" ayuu BBC-da u sheegay nin dadka deegaanka ah oo lagu magacaabo Reginald Murphy.

Maanta aad looma adeegsado dameeraha, meelaha ayayna iska wareegaan iyaga oo tiro badan.

"Markii aan caruurta ahaa waxaan xusuustaa beeralayda oo dalagooda ku raraya dameeraha, kadibna kaligood diraya, wadada waa ay yaqiineen" ayuu intaas ku daray Murphy.

Image caption Dameeraha iyo warshadda sokorta

Hadda waxaa loo sameeyay seero loogu talogalay, halkaas oo dalxiisayaal badan ay u daawasho tagaan sanad kasta.

Seeradan waxaa lu xaraysan illaa 150 dameero iyo baqlo isugu jira, waxaana agaasime ka ah Karen Corbin.

Waxaa la sheegaa in illaa 400 kale oo dameero oo aysan cidina lahayn ay dariiqyada iska meereysanayaan.

Dhibaato xoog leh ayay beeraha jasiiradda ku hayaan dameerahan, 4 dameer oo kaliya ayaa burburin karta beer dhan oo ay dadka tabaceeda ku daaleen.

Waxa kale oo ay daadiyaan haamaha qashinka iyaga oo cunto ka raadsanaya qashinka dhexdiisa.

Waxa kale oo ay afka u rogaan weelasha biyaha si ay biyaha uga cabbaan.

Qaarkood ayaa seerada la keenaa kadib markii dhibaato xoog leh loo geysto, sida dhaawacyo halis ah oo lasoo gaarsiiyo. Gaarkood ayay gawaarida soo jiirtaa.

Dameeraha ayaa noolaan kara illaa 50 sano , midkiina qarashka xanaanadiisu waxa uu gaarayaa $250 doolar si loo xanaaneeyo marka seerada lagu soo xareeyo.

Si loo xakameeyo, dameeraha labka ah ayaa la dhufaanaa ama xininyaha laga tumaa si tarankooda badan loo yareeyo.

Waxaa mashruucan dhufaanista maalgaliya dowladda UK.