Haweenka Jigjiga oo si weyn uga dhex muuqda arrimaha ganacsiga
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Haweenka Jigjiga oo si weyn uga dhex muuqda arrimaha ganacsiga

Suuqa ugu weyn ee magaalada Jigjiga oo mar ahaan jiray meel ganacsigeeda ay ragga u badan yihiin ayaa waxaa iminka kala wareegay dumarka oo ah kuwa ugu badan ee suuqaas ku ganacsada.

Dumarkaan oo duruufo kala duwan ay ku qasbeen in ay kusoo bataan suuqaas iyaaa haatan waxaa muuqanaya ganacsiyada kala duwan ee ay suuqaas ku heystaan.

Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam oo BBC uga soo warrama Jigjiga ayaa suuqaas booqday, waxa uuna la sheekaystay qaar ka mid ah haweenkaas, ka dibna warbixintan ayuu nooga soo diray.

Mowduucyada la xiriira