"Wareeggii koobaad ee doorashada Liberia waxba kama khaldanayn"

Ciyaaryahan George Weah Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciyaaryahan George Weah

Maxkamadda ugu sareysa dalka Liberia ayaa go'aamisay in cadeymaha ka dhanka ah wareegii koowaad ee doorashadii madaxtinimada ee bishii Oktobar ay tahay mid aan waxba ka jirin.

Guddiga qaran ee doorashooyinka dalka Liberia ayaa hadda looga fadhiyaa inay muddo u qabtaan wareega labaad ee doorashada.

Waxa uu loollanka noqonayaa mid u dhaxeeya ciyaaryahankii hore ee kubadda cagta George Weah iyo madaxweyne ku xigeenka imika.

Charles Brumskine oo ah ninka dacawadda geeyay maxkamadda ayaa kaalinta saddexaad soo galay, waxaase dalabkiisa meesha ka saaray garsoirayaasha maxkamadda.

Garsoirayaasha Maxamed ayaa sheegay in inkastoo ay jireen khaladaad hareeyay doorashada, hadana aysan ku filneyn in waxba kama jiraan laga soo qaado natiijadii doorashada.

Arrintaasi ayaa ka dhigan in loo guda geli doono wareega labaad ee doorashada, balse dalka Liberia ayaa waxaa ka tagnaa xiisad intii lagu guda jiray dhageysiga kiiska.

Shacabka Liberia ayaa waxaa ay hadda kala dooran doonaan ciyaar yahan hore iyo madaxweyne ku xigeenka imika.

Mowduucyada la xiriira