Weriyayaasha Puntland oo ka cabanaya arrinta dekadda Boosaaso
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Weriyayaasha Puntland oo ka cabanaya arrinta dekadda Boosaaso

Iyadoo dekadda Boosaaso uu weli ka taagan yahay ismaandhaaf u dhexeeya ganacsatada, ayaa ururka Saxafiyiinta Puntland ee magaciisa loo soo gaabiyo MAP waxaa uu ka codsanayaa maammulka inay u oggolaadaan weriyayaasha inay si xor ah uga hadlaan arrintaasi.

Ururka MAP ayaa sheegay in weriyayaasha Puntland aan loo ogolaan inay si dhab ah uga warramaan arrintaasi, taasoo uu sheegay inay fursad siinaysa inay baahaan wararka beenta ah.

Hadaba guddoomiyaha ururka saxafiyiinta Puntland Feysal Khalif Barre oo nagu soo booqday istuudiyaheena Nairobi ayaa waxaa arrimahaasi ka waraystay tifaftiraha laanta afka Soomaaliga ee BBC Cabdullahi Sheekh Cabdirisaaq.