Dabka wali ka sii huraya California oo dhulka la simay ganacsiyadii

Dabdamiska ayaa la tacaalaya dabka dhibaatada baaxadda leh ka gaystay California Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dabdamiska ayaa la tacaalaya dabka dhibaatada baaxadda leh ka gaystay California

In badan oo ka mid ah dallagii afakaadhada ee gobolka California ee dalka Maraykanka ayaa ku baaba'day dabka halakeeyay qaybta koonfureed ee gobolka, sida ay sheegeen khuburada warshadaha.

"Waxaa naga gubtay boqolaal aykar oo afokaadho ah, waxayna u badan tahay in ay xataa intaas ka sii badan tahay", sida ay Guddiga Afokaaadhadu u sheegeen barta beeraha wax ka qorta ee AgNet West

Waxaa la qiyaasaa in afakaadhada Maraykanka laga isticmaalo ay 90% ka soo go'do California, warshada ka shaqaystana ay malaayiin doolar ku biiriyaan dhaqaalaha dalkaas.

dab damis gaaraya 5,700 oo ruux ayaa la tacaalaya xakamaynta dabka, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Ilaa iyo haddana waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhimatay haweenay 70 jir ah oo laga dhex helay gaarigeeda Arbacadii.

Saddex ruux oo dabdamis ah ayaa ku dhaawacmay, 500 oo guri ayaana la rumaysan yahay in uu dabku burburiyay.

Waxaa jira cabsi laga qabo in dabku uu khasaaro baaxad leh u gaysan doono warshado badan oo sancayn jiray wax soo saarka beeraha California.

Dalagii afokaadhada ee la goostay xiligii kan ka horreeyay wuxuu dhannaa 400 milyan oo doolar, sida uu sheegay Guddiga Afokaadhada California.

Dalagaas badankiisuna wuxuu ka soo go'ay beero ay qoysas leeyihiin oo ku yaalla koonfurta gobolkaas.

Dabaylo xoog badan ayaa sii hurinaya dabkan.

Lahaanshaha sawirka Khariidad

Mowduucyada la xiriira