Wasiirka arrimaha dibadda ee Britain oo Iiraan ka dagay

Xigashada Sawirka, NAZANIN ZAGHARI-RATCLIFFE
Zaghari-Ratcliffe ayaa Iiraan lagu hayaa tan iyo bishii Abriil ee 2016kii
Boris Johnson ayaa ka dagay dalka Iiraan halkaas oo uu ka sheegi doono "walaaca wayn" ee uu ka qabo xarigga loo gaystay Nazanin Zaghari-Ratcliffe oo ah gabadh Iiraaniyad ah oo haysata dhalashada Britain.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Britain ayaa ku baaqi doona in la sii daayo gabadhan oo 37 jir ah hal ilmama dhashay iyo waliba dadka kale ee xabsiyada ku jira ee dhalashada Britain haysta.
Zaghari-Ratcliffe ayaa Tehraan lagu hayaa tan iyo bishii Abriil ee 2016kii, ka dib markii lagu eedeeyay in ay hawlo basaasid ah faraha kula jirtay.
Booqashadii koobaad ee Johnson uu ku tago Iiraan ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay sii kacayso xiisadda ka taagan Bariga Dhexe.
Wuxuuna kala hadli doonaa walaaca ay Britain ka qabto ku lug lahaanshaha Iiraan ay ku lug leedahay dhibaatooyinka ka aloosan gobolkaas, gaar ahaanna kuwa Yemen iyo Suuriya.
Xigashada Sawirka, PA
Gabadha xiran ninkeeda Ratcliffe ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibadda horraantii sannadkan
Weriyaha BBC-da ee arrimaha dublamaasiyadda James Robbins ayaa sheegaya in safarkan oo ah kii saddexaad ee wasiir arrimo dibadeed oo ka socda Britain uu ku tago Tehraan tan iyo 2013kii "in laga yaabo in uu noqdo mid kasii xasaasisan kuwii ka horreeyay".
Wuxuu intaas ku daray in ay tahay in uu ka taxadaro oo yareeyo rajada uu ka qabo in si dhakhso ah loo sii daayo Zaghari-Ratcliffe, wuxuuna ka digay in arrimaha noocan oo kale ah ay yihiin kuwo aad u adag.
Xigashada Sawirka, PA
Zaghari-Ratcliffe oo la siwaran ninkeeda Richard Ratcliffe, iyo gabadheeda Gabriella