Hargeysa oo yeelatay maktabad ay 50kun oo buug taallo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hargeysa oo yeelatay maktabad ay 50kun oo buug taallo

Magaalada Hargeysa ee caasimadda u ah Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somalilan ayaa maanta markii ugu horeysay muddo 30 sano ku dhow laga furay maktabadda qaranka oo konton kun oo buug hadda lagu bilaabay, kadib markii maktabadii hore ee qaranka ee Hargeysa ay ku burburtay dagaalladii 1988 ku dhexmaray magaalada ciidamadii dawladdii Maxamed Siyaad Barre iyo jabhaddii SNM.

Dhismaha maktabadan cusub iyo qaab dhismeedkeeda oo soo socday muddo dhawr sano ah oo dadweynuhu gudo iyo dibedba qaaraan ahaan uga qayb qaateen, waxaa maanta xadhiga ka jaray madaxweynaha xilka wareejinaya ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo isaga loogu magac daray.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa ka wareystay gudoomiyaha maktabadda qaranka ee Hargeysa Axmed Daahir Cilmi.