Antonio Guterres oo ka hadlay muranka ka dhashay go'aankii Trump ee Qudus

Antonio Guterres Lahaanshaha sawirka .
Image caption Antonio Guterres

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ,Antonio Guterres, ayaa sheegay in go'aanka maamulka madaxwayne Trump ay Qudus ugu aqoonsadeen caasimada Israa'iil ay tahay mid aan nabada gobolka u waanagsanayn.

Mr Guterres ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid ragaadinaysa wadahadalada nabadda ee u dhaxeeya Falastiiniyinta iyo Israa'iil.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Mr Guterres ayaa waraysi siinayay telefishinka CNN.

Dhanka kale afhayeenka madaxwayna ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence, ayaa si kulul u cambaareeyay xukuumadda Falastiiniyiinta.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay nasiib daro tahay in madaxwayne Maxmuud Cabbas uu diido in uu la kulmo Mr Pence marka uu booqashada ku marayo gobolka.

Waxaa wali wadooyiinka qaar ka mid ah wadamada Carabta iyo kuwa Muslimiinta ka socda dibad baxyo looga soo horjeedo go'aanka madaxwayne Trump.

Mowduucyada la xiriira