Xisbiyada mucaaradka Venazuela oo laga mamnuucay doorashada

Dadka reer Venazuela oo magacyadooda ka raadinaya diiwaanka doorashada Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dadka reer Venazuela oo magacyadooda ka raadinaya diiwaanka doorashada

Madaxweynha dalka Venazuela, Nicolas Maduro, ayaa go'aansaday in xisbiyada ugu waawayn mucaaridka dalkaasi laga mamnuuco inay ka qeyb gallaan doorashada sannadka dambe..

Doorashada dowladaha hoose ayaa waxa horrey u qaadacay saddex xisbi oo ah kuwa mucaaradka ah, waxa ayna xisbiyadan doorashada ku tilmaameen howl loogu talagalay in lagu sii xoojiyo kali talisnimada Maduro.

Maduro ayaa sheegay in xisbiyada ka qaybgalay codeyntii dhacday Axaddii oo kali ah loo ogolaan doono in ay u tartamaan xilka madaxwaynenimada.

Madaxwayne Nicolas Maduro ayaa sheegay in xisbiyada siyaasadda qaar ka mid ah ay ka baxeen khariiradda siyaasadda dalkaasi.

Maduro ayaa sheegay in mamnuucidani uu xisbiyada mucaaradka u maray xeerka ay dajiyeen golaha sharci dajinta dalkaasi.

Xisbiga Maduro ayaa lagu wadaa in uu ku guulaysto doorashada lagu wado in dalkaasi ay ka dhacdo sannadka soo socda.

Muddooyiinkii ugu dambeeyay waxaa dalka Venezuela ka taagnaa ismariwaa siyaasadeed oo horseeday in ay dalkaasi ay ka dhacaan dibad baxyo ballaaran oo uu dhiig ku daatay.

Waxaa sidoo kale Venezuela xilligani ka taagan dhibaato dhaqaale oo saamaysa dadka ku nool dalkaasi.

Taageeryayasha madaxwayne Maduro ayaa waxay ku doodayaan in xisbigiisa uu saboolnimada ka dul qaaday dad badan, halka dadka dhaliilaya ay ku eedeeyeen in uu si xun u maareeyay dhaqaalaha dalkaasi islamarkaana uu la dagay dimuqraadiyada dalkaas.

Mowduucyada la xiriira