Dhulka gubanaya ee California wuxuu ka wayn yahay baaxadda New York

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Awoodda dabkan ayaa u muuqata in uu noqon doono mid ka mid ah dababkii ugu xumaa ee taariikhda California soo mara

Dabka dhibaatada baaxadda leh ka gaysanaya koonfurta California ayaa u faafay si baaxad leh isaga oo waxyeelo u gaytay dhul ka ballaaran baaxadda ay ku fadhido magaalada New York.

Dabka deegaammada Ventura iyo Santa Barbara ayaa waxyeeleeyay toddobaadkii hore 230,000 oo aykar.

Waxaa sii huriyay dabaylo xoog badan, wuxuuna noqday dabkii shanaad ee ugu awoodda badnaa ee kaymaha ka soo kaca marka laga hadlayo taariikhda gobolkaas, ka dib markii uu ku faafay 50,000 aykar hal maalin gudaheed.

Bulshada degan xeebta ayaa la amray in ay isaga tagaan deegaankaas.

Sabtidii ayay dabdamisku sheegeen in la xakameeyay 15% dabka halkaas ka kacay, laakiin waxay markii dambe ku qasbanaadeen in ay tiradaas hoos ugu dhigaan 10% maadaama oo uu si xawli ah u sii faafay.

"Hubaal waa dab halis ah, laakiin waxaa jira dad badan oo si habsami leh uga shaqaynaya, sida uu sheegay taliyaha booliiska ee Santa Barbara.

Lahaanshaha sawirka NASA/EPA
Image caption Satellite imagery shows the vast Thomas Fire, north of Los Angeles, which has spread as far as the Pacific coast

Dababka kale ee California ka kacaya ayaa si wayn loo xakameeyay, laakiin 200,000 oo ruux ayaa laga daad gureeyay guryahoodii, boqolaal dhismeyaal ayuuna burburiyay tan iyo 4tii Disembar.

Amarka daad guraynta ayaa la bixiyay habeennimadii Axadda si dadka looga qaado qaybo ka mid ah Carpinteria oo u dhaw kaymaha Los Padres National Forest oo 160km u jira Los Angeles.

Waaxda dabdamiska ayaa Twitterka soo dhigay sawirkan muujinaya dabka oo ku sii dhawaanaya guryo ku yaalla Carpinteria Subaxnimadii Axaddda.

Mowduucyada la xiriira