Yaa masuul ka ah rayidka lagu laayay Soomaaaliya?

Dhibaatada ugu badan ee qaraxa ayaa sababa dhimashada shacabka Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dhibaatada ugu badan ee qaraxa ayaa sababa dhimashada shacabka

Qaradamada Midoobey ayaa sheegtay in Soomaaliya lagu dilay 2,078 oo qof, laguna dhaawacay 2,507 oo kale, muddo laba sanno gudahood ah. Waxay taasi muujineysaa in dadka rayidka ah ee ay dhibaatada ka soo gaarto amni darrada Soomaaliya ay sare u sii keceyso, sida lagu xusay warbixinta.

Haddaba, sidee loo dilay dadkaasi yaase dilay? Warbixintan ayaan ku eegeynaa qodobada ugu muhiimsan ee warbixinta baaritaanka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Dhibaatada guud

Laga soo billaabo bishii Janaayo ee 2016-kii illaa Oktobar 2017, qaraxyada keli ah Soomaaliya ka dhacay ee lala xiriirinayo Al-Shabaab waxaa ku dhintay 748 qof, waxaana ku dhaawacmay 1,550 kale, sida ay Qaramada midoobey ku sheegtay warbixintii ay soo saartay.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Qaraxyada ugu badan waxay ka dhacaan goobo shacab ay ku badan yihiin

Qarixii ugu dhimashada badnaa wuxuu ahaa kii 14-kii Oktobar ka dhacay isgoyska Soobe oo ay ku dhinteen illaa 512 qof, waxaana ku dhaawacmeen 316 kale.

Qaraxyada dadka ugu badan ay ku dhinteen waxay ka dheceen, Banaadir, Baay, Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.

Boqolkiiba 60 dadka ku dhintay Soomaaliya, muddadaasi labada sanno ah, waxaa "dilay Al-Shabaab, 13 boqolkiiba waxaa dhibaateeyay miliishiyaad aan la magacaabin, sidoo kale boqolkiiba 11 waxay ku dhinteen dhacdooyin lala xiriirinayo dowladda iyo kuwa la sheeyo", sida ku xusan baaritaanka Qaramada Midoobey.

Howlgalka Midowga Afrika waxaa loo aaneynayaa illaa boqolkiiba afar. Halka boqolkiiba 12 ay dhibaato kala kulmeen kooxo kala duwan.

Al-Shabaab

Qaramada Midoobey ayaa Al-Shabaab ku eedeysay in ay geysatay dhibaatada ugu badan ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya ka dhaca.

Al-Shabaab Waxay "sabab u yihiin tirada dadka ugu badan" ee ku dhintay Soomaaliya. Kooxda waxay badisay weerrarada ay ku qaadaan xarrumaha ciidamada dowladda iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Al-Shabaab oo ka arrimisa deegaanno badan oo miyi ah, waxay weli weerar ku qaadaa xarrumaha dowladda iyo kuwa AMISOM

Ururka wuxuu sameysaa xeelado ay ku adeegsanayaan "miinooyiin, qaraxyo ismiidaamin ah, iyo dilal qorsheysan". Waxay si gaar ah u weerartaa ciidamada sirdoonka, AMISOM iyo xoogagga kale ee caalamiga ah iyo meela "shacabka ay ku badan yihiin, sida suuqyada, hoteellada, iyo maqaayadaha," sida lagu sharaxay qoraalka Qaramada Midoobey.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in 729 qof oo "Al-Shabaab ay afduubatay," Illaa 403 ka mid ah dadkaasi ayaa la sii daayay.

"Al Shabaab waxay sidoo kale masuul ka ahayd dilal qorsheysan oo loo geystay 86 qof, halka ay 46 kalena lagu fuliyay dil ku xukumeen maxkamadoodooda, muddadaasi labada sano ku dhow. Sidoo kale 70 qof oo lagu eedeeyay in ay jaawaasiis ahaayeen iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo looga shakiyay in ay baxsanayeen," Sida qoraalka lagu sheegay.

"illaa 71 ka mid ah dadka la dilay waxaa la hor geeyay goobo la isugu keenay shacab".

Dowladda Soomaaliya

Soomaaliya iyo xoogagga kale ee dalka ku sugan ayaa sabab u ahaa dhibaato gaartay illaa 522 qof oo rayid ah, sida ku xusan qoraalka UNSOM.

Dhimashada in ka badan 230 qof iyo 288 dhaawac ah ayaa loo aaneynayaa laamaha amniga, taas oo u taagan boqolkiiba 11,6, sida ay diiwaan gelisay Qaramada Midoobey.

Dhanka militariga Soomaaliya waxaa lagu eedeeyay dhimashada 251 qof iyo dhaawaca 334 kale oo waxyeello ay ka soo gaartay howgallada ciidamada xoogga dalka.

Militariga dowladda, booliska Soomaaliya iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada, sida "Puntland iyo Jubaland", iyo sidoo kale sirdoonka iyo laamaha amniga ee dowladda ayaa ku lug lahaa dhammaan dhacdooyiinkaasi shacabka ay ku dhinteen .

Image caption Shaxda tirada dadka dhintay iyo kooxda lagu eedeeyay

"Militariga wuxuu ku lug lahaa illaa 65 dhacdo oo sababay 85 dhimasho iyo 60 dhaawac ah," ayaa ku qoran warbixinta laga soo saaray baaritaanka Qaramada Midoobey ee lagu eegay dhibaatada ka dhalatay colaadda Soomaaliya, labaddii sano ee ugu dambeeyay.

Xilliyo kala duwan, Soomaaliya waxaa ka dhacay dagaallo dhexmaray ciidamada dowladda oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

UNSOM waxay diiwaan gelisay "lix dagaal oo u dhexeeyay xoogagga dowladda in ay sababeen geerida 10 qof iyo 13 dhaawac ah". rabshadahaasi badankooda waxay ka dheceen Muqdisho, Jowhar iyo Beled-Xaawo.

Muddadaasi labada sanno gudahood ah, UNSOM waxay sheegtay in ay diiwaan gelisay 63 jeer in xuquuqda aadanaha ay ku xadgudbeen ciidamada sirdoonka ee NISA, sida in ay geysteen "dilal sharciga ka baxsan, jirdil, xarig aan kala sooc lahayn, iyo xakameynta xurriyatul qowlka iyo isu imaatinnada nabadeed".

"Waxaa arrimahaas qeyb ka ahaa, dhimashada 10 qof oo shacab ah iyo saddex dhaawaca, oo sabab u ahaa adeegsiga awood xad dhaaf ah ama rasaasayn aan kala sooc lahayn oo ka dhacay goobaha dadwaynaha."

Howlgalka Midowga Afrika (AMISOM)

Baaritaanka UNSOM waxaa lagu sheegay in ciidamada ka socda Itoobiya iyo Kenya oo aan ka mid ahayn AMISOM ay joogaan Soomaaliya.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ay jirto "Caqabadda weyn oo ka dhalatay dhibaatada ay geystaan ciidamada aan AMISOM ka amar qaadan in la diiwaan geliyo", taas oo ay hareysay aqoonsi la'aanta mararka qaar, ciidamada AMISOM iyo kuwa aan ka tirsanayn.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: AMISOM oo maanta wareejisay jaamacadda umadda

Ciidamada AMISOM ayaa Soomaaliya ka howlgalayay muddo 10 sano ah, waxayna bishan billaabeen in ay qeybtii ugu horeysay ka saaraan dalka. Waxay howlgalka ku wareejinayaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Balse UNSOM waxay sheegtay in ciidamada AMISOM ka tirsan iyo kuwa aan ka tirsanayn balse isku dalka yihiin ay ku sugan yihiin isku xero, ayna wada fuliyaan hal howlgal.

"Laga soo billaabo Janaayo 2016 illaa Oktobar 2017, geerida 95 qof iyo dhaawacday 83 kale, sidoo kale laba goor oo kufsi wadareed ah iyo isku day kufsi ayaa lala xiriirinayaa AMISOM", sida baaritaanka lagu ogaaday.

Illaa 36 askeri oo ka socda Ugandha ayaa lagu eedeeyay in ay masuul ka ahaayeen dhimashada ugu badan oo ah illaa "38 qof gaareysa iyo 25 dhaawac ah".

Sidoo kale Itoobiya ayaa ku xigtay oo loo aaneynayaa geerida 25 qof iyo dhaawaca 15 kale, waxaana ku xiga Burundi oo lagu eedeeyay dilka 14 qof iyo dhaawaca 11 rayid ah.

Dalalka kale, ciidammada Kenya iyo Jabuuti oo AMISOM qeyb ka ah ayaa lagu kala eedeeyay geerida Afar qof iyo hal qof.

Inta ugu badan "dhibaatada ay AMISOM geysatay" waxay ka dhasheen rasaaseyn aan kala sooc lahayn oo ay rideen xilliyo lagu weeraray qaraxyo.

AMISOM ayaa lagu amaanay baaritaannada ay ku sameeyeen eedeymahaasi loo jeediyay iyo sida ciidamada ay ugu oogeen dacwadaha. Balse UNSOM ayaa sheegtay in aysan si buuxda u awoodin in ay hesho baaritaannada AMISOM ay sameyso.

Duqeymaha diyaaradaha

Ciidamo ay ka mid yihiin kuwa Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay duqeymo ay la eegteen Al-Shabaab iyo kuwa la baxay dowladda Islaamka ee Soomaaliya ku sugan. Sidoo kale ciidamada Soomaaliya ayaa mararka qaar la sheegay in ay qeyb ka yihiin duqeymaha lala eegto kooxahaasi.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Qorshaha Farmaajo ka dib weerarkii Soobe

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in 74 duqeyn oo laga fuliyay Soomaliya muddada labada sanno gadahood ah in ay sababeen geerida 41 qof iyo 16 dhaawac ah. Duqeymaha ay AMISOM qaaday waxaa ku dhintay 38 qof, lix kalena way ku dhaawacmeen, sida warbixinta ku cad.

Balse waxay UN sheegtay in ay adag tahay in la ogaado dhibaatada rasmiga ah ee ay geysteen duqeymaha oo intooda badan ka dhacay goobaha ay Al-Shabaab maamusho, halkaas oo shaqaalaha Qaramada Midoobey aysan tagi karin.

"Tan iyo 2016-kii, Ciidamada Kenya ee aan AMISOM ka tirsanayn waxay qaadeen duqeymo aaysan amrin ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika."

Duqeymaha oo 19 ka mid ah loo adeegsaday diyaaradaha qummaatiga u kaca, 14 ka mid ah waxaa wada fuliyay Mareykanka iyo ciidamada Danab ee dowladda Soomaaliya, afarna kuwa Kenya.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan