Nin loo qabtay weerarkii Manhattan ee Mareykanka

Laamaha ammaanka ee Mareykanka
Image caption Laamaha ammaanka ee Mareykanka

Waxaa la qabtay nin isku dayay in uu weerar argagixiso ku qaado magaalado xarun basaska laga raaco oo ku taalla magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Isku dayga weerarkan ayaa dhacay xili dadka kunool magaalada New York ay u kallahayeen shaqooyinka, waxaana duqa magaalada New York oo ka hadlay weerarka uu sheegay in argagixisada marnaba aysan guuleysan doonin.

Saraakiisha laamaha ammaanka ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in ninka looga shakiyay inuu weerarka gesytay ay da'diisu tahay 27, lagu na magacaabo Akayed Ullah, waxaana ay intaa ku dareen in ninkani uu ku dhaawacmay qalab ka sameysan walxa qarxa oo ku rakibnaa jirkiisa.

Afar qof oo kale ayaa sidoo kale waxyeelo aan sidasi u badneyn kasoo gaartay weerarka. Muqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa waxaa ka muuqday nin lagu sheegay inuu yahay Akayed Ullah oo dhulka jiifa.

Duqa magaalada ayaa waxaa kale oo uu sheegay in aysan jirin cid kale oo ninkani weerarka ku wehlisa.

Dadkii ku sugnaa halka ay wax ka dhaceen ayaa kala cararay, waxaana sidookale halkaasi laga soo daad gureeyay dad badan.

Goobtan ayaa ah meel aad u mashquul badan, waxaana la sheegay in dad badani ay baabuurta ka racaan halkaasi xili walba.

Mowduucyada la xiriira