Cabsi maka qabtaa caanaha been abuurka ah ee caruurta?

A baby drinks milk from a bottle Lahaanshaha sawirka Getty Images

Maamulka dalka Malaysia ayaa baarayo badqabka caanaha budada ah ee caruurta, ka dib markii la qabtay boqollaal baakado oo ay ku jiraan caano la been abuuray.

Warshadda caanaha ee Mead Johnson ayaa sheegtay in caanahan beenta ah loo ekeysiiyay kuweeda loo yaqaano Enfalac A+.

Dowladda ayaa tijaabo ku sameyneyso caana-booraha caruurta ka dib markii waalidiin ay sheegeen in caruurtooda ay ka qaadeen qandho iyo finan, ka dib markii ay cabeen caanaha.

Balse ma jiro weli cudurro halis ah oo dowladda la soo gaarsiiyay.

Maamulka Malaysia waxay gacanta ku hayaan 210 kartoon oo loo maleynayo in ay ku jiraan caano la been abuuray, waxayna ku qabteen howlgal dalkaasi laga sameeyay Axaddii.

Caanaha waxay yaaleen oo lagu iibinayay Farmashiyaasha iyo tukaamada waawayn.

Wasaaradda ganacsiga gudaha ee Malaysia ayaa sheegtay in ay sugayso natiijada tijaabada caafimaad ee laga qaaday caanaha la qabtay.

"Waan sheegeynaa magaca qofka, waana ceebeyneyn doonnaa qofkii ka dambeeyo," ayuu yiri wasiirka, Datuk Seri Hamzah Zainuddin.

Waxay waalidiinta kula taliyeen in ay feejignaadaan marka ay caano u iibinayaan caruurtooda, ayna iska eegaan waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin kuwa saxda ah iyo kuwa la been abuuray.

Halkii baakad waxaa ku jira seddax xirmo oo caano ah, sida shirkadda ay sheegtayna waxaa lagu kala garan karaa, in kuwa saxda ah ay "xoogaa ka ballaaran yihiin" kuwa beenta ah.

Lahaanshaha sawirka Mead Johnson

Warbaahinta gudaha waxay sheegeen in waalidiinta caruurtoodu cabeen caanahan ay wajihi karaan xaalado caafimaad darro sida qandho iyo finan.

Laakiin wasaaradda caafimaadka waxay ku warrantay in weli aysan jirin qof ku xanuunsaday caanaha caruurta ee la been abuuray.

Horraantii isbuucan shirkad caanaha sameyso oo ku taalla Faransiiska ayaa ku baaqay in caaneheeda la soo celiyo ka dib markii la sheegay in ay sumeysan yihiin.

Shirkadda oo soo saarto boqollaal nooc oo caanaha caruurta ah ayaa alaabteeda geyso dalal badan sida Britain, Pakistan iyo Shiinaha.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan