Soomaalida Mareykanka maxay tarxiilka ku muteystaan?

Tirada dadka la soo tarxiilay ayaa sare u kacday ka dib markii Trump uu xilka qabtay Lahaanshaha sawirka SONNA
Image caption Tirada dadka la soo tarxiilay ayaa sare u kacday ka dib markii Trump uu xilka qabtay

Tirada Soomaaliga laga soo musaafuriyay Mareykanka ayaa sare u sii kaceysay seddaxdii sano ee la soo dhaafay.

Illaa 65 qof oo Soomaaliya ku dhashay balse Mareykanka ku noolaa ayaa sannadkii 2014-kii la musaafuriyay. Laakiin illaa dhammaadkan sanadkan waxay tirada gaartay 520 qof, sida laga soo xigtay waaxda socdaalka Mareykanka.

Waxay arrinta si wayn u soo shaac baxday ka dib markii 92 Soomaali ah oo laga soo musaafuriyay Mareykanka uu fashilmay qorshahaasi.

Waxaa laga soo duuliyay Mareykanka, laakiin diyaaraddii siday waxay ku degtay Senegal oo duullimaadkii dib ugu celisay mareykanka iyaddoo raggii la soo tarxiilay ay saaran yihiin.

Xagey ku dambeeyeen dadkaasi?

Waxaa lagu soo warramayaan in dib loogu celiyay xabsi ku yaalla magaalada Minnesota, waxaana suuragal ah in markale la soo musaafuriyo.

Kim Hunter oo qareen u ahayd labo ka mid ah dadkaasi oo ku noolaa Miami ayaa BBC-da u sheegtay in dhammaan 92-da qof ee Soomaalida ah weli isku meel lagu hayo.

Illaa iyo hadda macadda sababta diyaaradda loo celiyay, balse waxaa jiro warar sheegaya in "amni xumada Soomaalida aawadeed loogu celiyay Mareykanka," sida ay sheegtay Kim Hunter.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaraxii Soobe waxaa ku dhintay Soomaali haysatay dhalashada Mareykanka

Labada qof ee ayada ay u doodeysay oo rag ah waaa 40-jirro, muddo ku noolaa Mareykanka, balse waxaa loo diiday in megengelyo iyo sharci lasiiyo.

"Labada qof ee aan qareenka u ahay weligood dembi kamaysan galin Mareykanka. Waxaa la diiday codsigooda megengelyada ee ay dalbadeen bartamihii 90-maadkii iyo horraantii 2000," ayey tiri Kim Hunter.

Maxaa sababa musaafurinta?

Arrimo badan ayaa loo aaneynayaa in ay sabab u yihiin in dhallinyarada Soomaalida laga soo tarxiilo dalka Mareykanka, waxaana ka mid ah "dembiyada".

Koox qareenno ah oo la kulmay qaar ka mid ah waalidiinta Soomaalida ee Minnesota ayaa BBC Somali u sheegay in ay billaabeen in waalidiinta ka wacyigeliyaan dembiyada caruurtoodu geysanayaan ee "halista ku ah mustaqbalkooda".

Amiin Haaruun oo ka mid ah qareennadaasi ayaa sheegay: "Waxaan u soo bandhignay waalidiinta sida uu nidhaamka u shaqeeyo; sida marka uu ilmuhu dembiga, galo maxkamadda loo marsiiyo, iyo dembiga sida uu qatar ugu yahay mustaqbalka caroortooda".

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Qareen sharaxay sababta loo soo tarxiilo dhallinta Soomaalida ee Mareykanka

"Waxaan uga digeynaa dembiyada oo dhan. Waxaa fiican in dhallinyarada ay noqdaan kuwo iska ilaaliya dembiyada, oo ay noqdaan dad bulshada ka mid ah oo wax ku soo kordhiya", ayuu yiri.

Dhowaan, waalidiin Soomaali ah ayaa isu soo bax ka dhigay Minnesota kuwaas oo sheegay in caruurtooda loo musaafuriyay Soomaaliya "si qasab ah".

Dembiyada maxaa ka mid ah?

Amiin Haaruun oo ka mid ah qareenada Soomaalida ah ee Mareykanka deggan wuxuu sheegay: "In dembiyada ay ka mid yihiin baabuur la xado oo la burburiyo, in qof loo gacan qaado iyo in qof wax uu haysto laga dhoco. Soomaalida keliya ma ahan ee dad badan baa geysta dembiyadaas."

"Dembiyadaa oo kale ayaa diiwaanka u galaya, markastoo qofka la keeno maxkamad way soo baxayaan". Waxaa suuragal in ay ay arrintaasi saameyso mustaqbalkooda. "Marka wacyigelin guud ayaan wadnaa", ayuu yiri.

Farxiyo Xasan oo ka mid ahayd dadkii dibadbaxay waxay tiri: "Waddanka dembi waa laga galaa, laakiin sabab hadda loo qaaday oo wayn ma ogin, waa qof aan qof kale dilin oo weli maxkamaddiisu socoto".

Qareen Amiin wuxuu sheegay in waalidiinta qaar aysan fahansanayn luqadda Ingiriiska oo maxkamadda looga wadahadlayo. Sidoo kalena wuxuu sheegay in dadka qaar u hadlaan si boobsiis ah oo ay adagtahay in afrriintooda la sii gudbiyo.

Balse wuxuu xaqiijiyay in ay jiraan dembiyo sababi kara in qofka la musaafuriyo. Dembiyo yar buu gali karaa. "Kuwaas waxay saameyn ku yeelan karaan qofka".

"Markuu galo (dembi) waxaa isla markiiba ka warhelaya hay'adihii kale ee federaalka, sida kuwa socdaalka. Qofka markii xabsiga uu soo dhameysto, ama maxkamadda u dhammaato, bannaanka ayeyba ku sugayaan. Waanna aragnaa marwalba", ayuu hadalkiisa ku daray, Amiin Haaruun.

Image caption Soomaalida ugu badan ee Mareykanka waxay deggan yihiin Minnesota

Soomaalida laga soo musaafuriyo Mareykanka waxay u badan yihiin rag oo qaar kood lagala noqday sharciyadii la siiyay "ka dib markii ay dembiyo geysteen".

Walaaca ugu badan ee laga qabo dib u celinta waa in dadkan ay dhibaato kala kulmi karaan Al-Shabaab "oo u arki karto in ay yihiin jawaasiis", sida ay sheegtay Kim Hunter oo qareen u ah qaar ka mid ah dadka xiran.

Fardowso Maxamuud Cumar waxay tiri: "Ilmihii iyagoo yaryar aan keenay oo waddankaan ku koray ma garanayaan meel ay ku noqdaan oo haddii eelaboorka laga dejiyo, magaranayaan meel ay u jiheystaan".

"(Wiilkeyga) isagoo yar baa aabihii la dilay, aniga halkan baan joogaa, walaalihiisa halkan bay joogaan, xaas iyo acruur buu leeyahay", ayey hadalkeeda ku dartay.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Wareysi aan la yeelanay Ilhaan Cumar

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan