Falastiiniyiin lagu dilay dibad bax ka dhacay Qaza

Flastiiniyiinta ayaa ka cabanaya go'aankii Trump ee Qudus Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Flastiiniyiinta ayaa ka cabanaya go'aankii Trump ee Qudus

Saraakiisha caafimaadka falastiiniyiinta ayaa sheegay in la dilay 4 qof oo Falastiiniyiin ah ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada Israa'iil iyo dad dibad bax dhigayay.

Isku dhacyadani ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ugu yaraan 150 qof sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka.

Ila wareedyo laga helayo Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in khasaaraha intiisa badan uu ka dhacay meel u dhaw xuduuda Qaza halkaasi oo dadka Falastiiniyiinta ah ay ku dhigayeen dibad bax.

Booliiska Israa'iil ayaa dhankooda waxay sheegeen in la dilay qof Falastiini ah oo isku dayay in uu mindi ku weeraro askar ilaalinaysay xudduuda.

Dadka Falastiiniyiinta ayaa ka cabanaya go'aankii madaxwayne Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israa'iil.

Dibad baxyo looga soo horjeedo go'aankii Trump ee Qudus ayaa waxay horey uga dhaceen qaar ka mid ah dalalka Muslimiinta.

Mowduucyada la xiriira