Somaliland iyo wafdi ka socday Ethiopia oo ka wadahadlay dib-u-dhiska wadada Berbera ilaa Wajaale
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dib-u-dhiska wadada Berbera ilaa Wajaale oo laga wadahadlay

Maalmihii lasoo dhaafay Somaliland waxaa socdaal ku joogay wafdi sare oo ka socda dawladda federaalka ee Ethiopia oo uu hogaaminayo Wasiirka wasaaradda gaadiidka Axmed Shide .

Wafiga Ethiopia waxay wada hadallo kula yeesheen magaalada hargeysa madax sare oo uu ka mid yahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka wasaaradda arimaha dibedda Dr; Sacad Cali Shire .

Waxay labada dhinac ka wada hadleen iskaashiga dhinaca dhaqaalaha gaar ahaan dhismaha wadada berbera ila wajaale oo isticmaalka Ethiopia ee dekedda berbera muhiim u ah .

Haddaba intii aanay wafdiga Ethiopia ka dhoofin hargeysa ayaa waxa uu weriyaha BBC Axmed Saciid Cige uu ka wareystay socdaalkooda Axmed Shide wasiirka wasaaradda gaadiidka ee dawladda federaalka Ethiopia ?