Dhibaatooyin noocee ah ayay sababtaa shiishada la dhuuqo?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhibaatooyin noocee ah ayay sababtaa shiishada la dhuuqo?

Mamnuucada dalka Rwanda lagaga soo rogay tubaakada biyaha qaada ee ama Shiishada la dhuuqo ayaa waxaa la saadaalinyaa falcelin ka timaada gobolka oo dhan.

Tao bixintii ugu dambeeysay ee ka soo baxday ururka caafimaadka aduunka ee WHO ayaa lagu sheegay in qiiqa Shiishada oo uu u dhigmo 100 xabo oo sigaar ah.

Rwanda ayaa noqonaysa dalkii ugu dambeyeey ee mamnuuca Shiishada ka dib dalalka Singapore, Saudi Arabia, Jordan, Pakistan iyo dalkaTanzania ee dariska la ah Rwanda.

Haddaba, dhibaatada caafimaad daro ee shiishada iyo sida bulshada loogu wacyigalin karo waxaan ka wareysanay Dr Cabdulkhadir Huseen Warsame oo ku takhasusay arrimaha balwada, Fardowsa Maxamed Cilmi ayuu khadka telefanka ugu waramay.