Golaha Ammaanka oo loo gudbiyay qaraar ka dhan ah go'aankii Trump ee Qudus

Miraan wax safaarado shisheeye ah oo ilaa haatan degan Qudus
Image caption Miraan wax safaarado shisheeye ah oo ilaa haatan degan Qudus

Qaraar qabyo ah ayaa loo gudbiyay xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kaasi oo ku saabsan magaalada Qudus.

Qaraarkan qabyada ah ayaa dhigaya in sal iyo raad aysan sharciga ku lahayn in hal dhinac uu go'aan ka gaaro mustaqbalka magaalada Qudus.

Tallaabooyiinkan oo ay soo jeedisay dowladda Masar ayaa ku soo beegmaya kadib markii uu madaxwayne Trump ku dhawaaqay in Mareykanka uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Israa'iil.

Qaraarkan ayaa ugu baaqaya dhammaan dalalka kale in ay ka dheeraadaan in ay safaaradahooda ka geeyaan magaalada Qudus.

Dublamaasiyiinta ayaa sheegaya in qaraarkani uu haysto taageerada inta badan xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Balse waxaa laga cabsi qabaa in xukuumadda Washington ay adeegsaduto codka diidmada qayaxan ee Veto.

Mowduucyada la xiriira