Soomaalida Mareykanka oo wadda ol-ole ka dhan ah musaafurinta
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaalida Mareykanka oo wadda ol-ole ka dhan ah musaafurinta

Dad Soomaali ah oo markii hore laga musaafurinayay waddanka Maraykanka oo haatan dib loogu celiyay isla dalkaasi, ayaa waalidiintooda iyo qaraabadooda ku nool Mareykanka waxa ay isku dayayaan sidii mar kale looga baajin lahaa in dib loogu celiyo Soomaaliya.

Dadkan oo u badan dhalinyaro oo ku xiran gobolka Florida ayaa eheladoodu haatan waxa ay dacwaddo horleh geynayaan maxkamaddaha ku yaala Maraykanka, inkasta oo

xaakin hore uu mar xukumay in dadkaasi lagu celiyoSoomaaliya.

Haddaba, dacwadahan cusub ee ehelada dadkaan geeyeen maxakmaddaha iyo sida uu qorshuhu yahayba, iyo waxa lag rajaynayo ayaanu ka wareysanay Mahamuud Muuse Hassan oo u oleeyaa arimaha bulshada Soomaaliyeed, waxa uu arrintaan uga waramay wariyaha BBC-da Mohamed Haji Hussoien ayuu u waramay