Ergada xisbiga ANC oo soo dooranaya hogaamiyaha xisbiga

Mr Ramaphosa (Midig) Ms Dlamini-Zuma (Bidix) Lahaanshaha sawirka REUTERS/AFP
Image caption Mr Ramaphosa (Midig) Ms Dlamini-Zuma (Bidix)

Ergada xisbiga haya talada dalka Koonfur Afrika ee ANC ayaa si rasmi ah u soo xulay madaxwayna ku xigeenka dalkaasi Cyril Ramaphosa Nkosazana iyo Dlamini-Zuma oo horey u ahaan jirtay wasiirka arrimaha dibadda in ay u tartamaan hoggaanka xisbiga.

Ku dhawaad 5000 oo ka mid ah ergada sida wayn u kala qaybsan ee xisbiga ANC ayaa lagu wadaa in ay codkooda dhiibtaan.

Natiijada ayaa lagu wadaa in ay soo baxdo maanta isniin ah.

Mr Ramaphosa ayaa waxa uu taageero ka haystaa bulshada ganacsatada ah halka Ms Dlamini-Zuma ay taageero badan leedahay.

Iyada oo uu xilka hogaaminta xisbiga uu ka dagayo ayuu hadana madaxwayne Zuma waxa uu xilka madaxwaynanimada sii hayn doonaa ilaa sanada 2019.

Khudbad uu sabtidii ka jeediyay shir waynaha xisbiga ANC ayuu waxa uu ka digay in mustaqbalka xisbiga uu halis ku jiro.

Mowduucyada la xiriira