Ruushka : 'Maraykanka ayaa naga caawiyay kahortaga weerar dhici lahaa'

St Petersburg Kazan cathedral Lahaanshaha sawirka GETTY CREATIVE STOCK
Image caption St Petersburg Kazan cathedral

Warar ay bixisay Hay'ada Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da ayaa sheegaya in hay'adaha amaanka ee Ruushka ay ka hortageen weerar lagu qaadi lahaa magaaladda St Peteresburg.

Saraakiisha ayaa sheegaya in weerarkaasi la qorsheeyey in la qaado maalintii sabtida ahayd.

Aqalka Ruushka looga arrimiyo ee Kremlinka ayaa sheegay in Madaxweyne Putin uu telefoonka kula hadlay Madaxweyne Donald uuna uga mahadceliyey lugtii CIA-da ay ku lahayd ka hortaga weerarkaasi.

Madaxweyne Putin ayaa sheegay in hay'adaha amaanka ee Ruushka ay wixii xog ah u gudbin doonaa Dowladda Maraykanka.

Sirdoonka Ruushka ayaa sheegay inay qabteen todobo xubnood oo Daacish ah oo looga shakisan yahay weerarkaasi iyo waliba hub iyo walxaha qarxa.

Qaraxyadan ayaa la sheegayaa in loo qorsheeyey in lagu weeraro goobaha diimaha laguna dilo dad tiro ah.

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa xaqiijiyey in Trump iyo Putin ay telefoonka ku wadahadleen maalintii Axada ahayd warar dheeraad ahna laga soo saari doono wadahadalkaasi.

Magaalada hadda la sheegay in weerarkan lala damacsanaa ee St Petersburg ayaa waxaa bishii April lagu dilay 13 qof.

Mowduucyada la xiriira