Trump: Uma bogin ninka i baaraya balse shaqada kama eryayo

Trump ayaa diidmadan la wadaagay saxafiyiinta markii uu Aqalka Cad dib ugu laabtay Axaddii Lahaanshaha sawirka Getty Images

Madaxweyne Donald Trump ayaa diiday in uu qorshaynayo in uu shaqada ka eryo Robert Mueller oo ah dacwad oogaha khaaska ah ee baaritaanka ku haya suurtagalnimada in Ruushku uu farogaliyay doorashadii Maraykanka ee 2016kii.

Xiisadda dhextaagan Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo iyo baaritaanka Mueller ayaa cirka isku shareertay.

Qareen la shaqaynayay kooxdii wakhtiga kala guurka ah ee Trump ayaa sheegay Sabtidii in kooxda Mueller ay si sharci darro ah ku heleen kumannaan e-mail.

Isaga oo ka jawaabaya muranka sharciga ayuu Trump sheegay "in arrintaasi aysan quruxsanayn" dadkiisuna ay "aad uga caroodeen".

Maamulka Trump ayaa diiday in ay Ruushka la kaashadeen doorashadii 2016kii, Trump-na wuxuu baaritaankaas ku tilmaamay "quraafaad".

Warbaahinta ayaa waydiisay Trump in uu qorshaynayay in uu eryo Mueller maadaa oo uu aad u dhaliilo, madaxweynuhuna wuxuu ku jawaabay "Maya, arrintaas ma samaynayo".

Qaar ka mid ah xildhibaannada xisbiga Dimuqraadiga ayaa soo bandhigay walaaca ay arrintaas ka qabaan, Jimcihiina Adam Schiff oo ah dadka ugu cadcad xisbiga Dimuqraadiga kana mid ah gudiga ammaanka ayaa sheegay in uu ka cabsi qabo in xusbnaha Jamhuurigu ay doonayaan in baaritaanka la joojiyo.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Robert Mueller oo horay madax ugu soo noqday FBI-da ayaa hogaaminaya baaritaanka Ruushka

Dad badan oo horay ula soo shaqeeyay ol'olihii doorashada ee Trump ayaa dacwado wajahaya arrintaas oo qayb ka ah baaritaannada Ruushka.

Maxay tahay arrinta Email-ladu?

Garyaqaan la shaqaynaya kooxda TFA oo gacan ka siiyay Trump wakhtigiisii kala guurka ee Aqalka Cad, ka dib markii la doortay ayaa Sabtidii ka cawday baaritaanka Mueller uu gacanta ku dhigay kumannaan emailladooda ka mid ah.

Kory Langhofer ayaa waraaq u diray gudiga congresska ee Maraykanka isaga oo sheegay in si sharci darro ah loo helay macluumaad badan oo ay leeyihiin.

Kooxda TFA ayaa isticmaashay adeegyo ay dawladdu leedahay oo ay ka mid yihiin in ciwaanno email loo sameeyo arrintaasina waxay dhacday intii u dhaxaysay dooarashadii Trump ee bishii Nofembar ee 2016 ilaa iyo intii laga dhaarinayay bishii Janaayo.

Langhofer ayaa waraaqdiisa ku sheegay in waaxda GSA ay si sharcidarro ah kooxda Mueller ugu gudbisay macluumaadyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xiriiro ixtiraam gaar ah mudan.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweyne Trump ayaa aad uga soo horjeeda baaritaanka balse wuxuu sheegay in uusan wax gaf ah gaysanin

Email-lada la helay waxaa la sheegay in ay xiriir la leeyihiin 13 masuul oo ku luglahaaa hawlihii kala guurka ee Trump, kaas oo uu ka mid yahay lataliyihii hore ee ammaanka qaranka Trump, Michael Flynn kaas oo qirtay in uu been u sheegay FBI-da horraantii bishan.

Maxaa laga yiri arrintan?

Afhayeen u hadlay Mueller ayaa sheegay in uusan wax gaf ah gaysanin.

"Markii aan helnay email-lada intii aan baaritaannada wadnay waxaan ogolaansho ka helnay ciddii ciwaankaas lahayd ama waxaan marnay hannaanka sharciga ee dambi barista loo maro." Ayuu yiri Peter Carr.

Ilaa iyo hadda Mueller maxaa u suuragalay?

Hay'adaha sirdoonka ee Maraykanku waxay rumaysan yihiin in Ruushku uu isku dayay in uu farogaliyo doorashadii Maraykanka isaga oo u xaglinaya Trump, arrintaas oo ay Trump iyo Ruushkuba diideen.

Lahaanshaha sawirka Reuters

Trump ayaana baaritaanka muller ku tilmaamay "quraafaad", xubno kale oo xisbiga Jamhuuriga ka tirsanna waxay ku tilmaameen mid aan dhexdhexaad ahayn.

Bishan horraanteedii ayuu Flynn noqday masuulkii ugu horreeyay ee masuuliyiintii Trump la soo shaqeeyay ka mid ah ee lagu soo oogo dacwad arrintan la xiriirta, ka dib markii uu qirtay in uu been u sheegay FBI-da ka dib markii ay wax ka waydiiyeen kulankii uu la yeeshay safiirkii Ruushka. Haddana wuxuu qirtay in uu baaritaanka gacan siinayo.

George Papadopoulos oo kaaliye hore ahaa ayaa sidoo kale qirtay in uu been u sheegay laanta dambi baarista Maraykanka ee FBI.

Qareennada khaaska ah ee madaxweyne Trump ayaa la filayaa in ay la kulmaan Muller iyo kooxdiisa toddobaadka soo socda, si ay isula soo qaadaan wajiga xiga ee baaritaanka, sida ay warbaahinta Maraykanku ku warramayso.

Mowduucyada la xiriira