Maxaysan xubnaha qoyskan xanuunka u dareemin?

Letizia Marsili Lahaanshaha sawirka Letizia Marsili
Image caption Letizia Marsili

Letizia Marsili oo 52 jir ah ayaa ogaatay in aysan wax xanuun ah dareemin iyada oo yar.

Shan kale oo xubnaha qoyskooda ah oo u dhashay dalka Talyaaniga ayaa la mid ah, waxaana ka mid ah in xitaa haddii ay laf jabto ama jirkooda gubto aysan wax xanuun ah dareemaynin.

Letizia ayaa BBC-da u sheegtay "Nolol caadi ah ayaan ku noolnahay, laga yaabaa in aan dadka kale xitaa ka nolol fiicanahay, sababtoo ah aad ayay u yartahay in aan xanuunsano ama aan dareeno wax xanuun ah".

"Mararka qaar waan dareenaa xanuun, balse waa il miriqsiyo oo kaliya" ayay intaas ku dartay.

Seeynisyahanada ayaa aaminsan in xididada dadkan aysan ahayn kuwa sidii habboonayd u falcelinaya, taasna ay ugu wacantahay in aysan xanuun dareemin.

Cilmi baarayaal daraasad ku samaynaya reerka ayaa aaminsan in ay qoyskan ka dhex heli doonaan xog ay dawo ugu helaan dadka xanuunka aadka ah uu qabto.

Prof Anna Maria Aloisi oo ka tirsan jaamacadda Siena ee dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in daraasada ay ka saacidi doonto in lasoo saaro dawooyin cusub oo xanuun baabi'iye ah.

Sidee qoyskan loo hayaa ?

Letizia hooyadeed, labo wiil oo ay dhashay, iyo qof qaraabadooda ah dhammaad waxa ay leeyihiin astaamo xanuunkan oo loogu magac daray qoyskan, Marsili syndrome.

Gabadhan waxa ay sheegtay in xanuunka oo aad dareento uu yahay digniin muhiim ah haddii cudur weyn uu qofka soo wajahay, kaas oo u baahan daaweyn.

Mararka qaarkood waxaa dhacda in uu qof murkacasho soo gaarto, balse uusan xanuun dareemin, taasna ay horseedo in lafaha ay dhibaato weyn soo gaarto marka dambe.

Letizia waxa ay sheegtay in wiilkeeda oo 24 jir ah oo kubbadda ciyaara uu la kulmo dhibatooyin.

"Mar la saaray raajo waxa ay muujisay in uu jabniin ku leeyahay qaar ka mid ah lafaha lugaha" ayay tiri.

Cilmi baarayaasha ayaa ku mashquulsan sidii ay ku ogaan lahaayeen sababta rasmiga ah ee qoyskan sababtay in aysan dareemin wax laxaw ah, iyaga oo sidoo kale rajaynaya in xaaladooda ay xal u noqoto dadka dareema xanuunka saa'idka ah.