Dab ka kacay dukaan nacnac oo ay 12 ruux ku dhinteen

Dabka ayaa billawday ammin hore oo subaxnimadii ah Lahaanshaha sawirka MUMBAI FIRE BRIGADE
Image caption Dabka ayaa billawday ammin hore oo subaxnimadii ah

Labo iyo toban ruux ayaa ku dhintay dab ka kacay dukaan nacnac oo ku yaalla magaalda Mumbai ee galbeedka dalka Hindiya.

Dhammaan 12ka ruuxba waa laga soo badbaadiyay dukaanka balse iyaga oo isbitaalka loo sii wado ayay dhexda ku dhinteen, sid ay saraakiishu sheegeen

Waxaa la sheegay in dadka dhintay ay u shaqaynayeen ninka dukaanka leh oo isla goobtaasna ku noolaa.

Dabka ayaa qaybta hoose ee dukaanka ka billawday 04:00 wakhtiga Hindiya, kaas oo keentay in ay dadku ku xayirmaan qaybta sare oo markii dambana kulaylka dartii la duntay.

Hawlaha samato bixinta ayaa wali socota, sida ay saraakiishu u sheegeen laanta afka Marathi ee BBC.

Ma cadda waxa sababay dabka inkastoo badanaa lagu eedeeyo dayactir la'aan iyo nidaamka badqabka oo aan la raacin. Saraakiishuna waxay sheegeen in baaritaan la billaabay.

Dab kaas la mid ah ayaa bishii Sabtember lix ruux ku dilay magaalada Mombai dad kalena ku dhaawacay.

Mowduucyada la xiriira