Waqooyiga Kuuriya oo lagu eedeeyey weerar xaga Computerada ah

Shirikada Wannacry ayaa lagu eedeeyey weerarka computerada Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Shirikada Wannacry ayaa lagu eedeeyey weerarka computerada

Lataliyaha arrimaha gudaha ee Madaxweyne Trump ayaa cambaarayn dusha uga tuuray Dowladda Waqooyiga Kuuriya.

Waxaana Dowladda Kuuriya lagu eedaynayaa inay weerar dhanka Computerada ah ay gaysteen oo ay qaribeen isticmaalka computaro badan.

Waxaana intaasi la raaciyay in weerarkan lagu qaaday Computerada ay saamayn weyn ku keentay wadamo badan oo dunida ah.

Qoraal lagu daabacay joornaalka Wall Street ayaa lagu sheegay in xukuumadda Pyonyang ay mas'uul ka tahay waxyeelo saamaysay Softweero wadamo ka badan boqol iyo konton kun oo dal.

Shirikada Wannacry ayaa weerarkan lagu eedeeyey balse iyadu eedaasi weyn beenisay oo waa ay iska fogaysay.

Waqooyiga Kuuriya ayaa marar badan lagu eedeeyaa waxyeelo loo gaystay qalabka Computerada.