Dad ku dhintay shil tareen oo ka dhacay Mareykanka

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Footage shows the scale of the derailment

Ugu yaraan seddax qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen tareen kala go'ay. Shilka oo ka dhacay Washington wuxuu dhacay xilli mashquul badan oo dadka ay shaqooyiinka u degdegayeen.

Saraakiisha waxay sheegeen in 72 qof loo qaaday cisbitaallo, badankooda waxay ku dhaawacmeen burburka ka soo daatay tareenka.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay waxay ku sugan yihiin xaalad halis ah. Mamulka waxay sheegeen in dadka badankooda la daaweeyay, balse ay suuragal tahay in tirada dhimashada ay kororto.

Toddobo gaari oo laba ka mid ah ay yihiin xamuul, ayuu ku dhacay qeybta go'day. Gawaaridaasi waxay marayeen waddo wayn oo ka hooseysay qadka tareenka. Tiro dad ah ayaa dhaawacmay ayagoo gawaaridooda ku dhex jira, balse qofna muusan ku dhiman halkaas.

Waa markii ugu horeysay oo tareenka dadka qaada ee Amtrak uu marro waddo cusub oo yar.

Tareenka wuxuu ka soo baxay Seattle, wuxuuna ku sii jeeday Koofurta Portland. Wuxuu Tareenka ku kala go'ay meel tareenno badan ay isticmaalaan.

Lahaanshaha sawirka Washington State Patrol
Image caption One carriage was hanging from the tracks, while another was upside down

Wakaaladda wararka ee AP ayaa xilli hore maamulka ka soo xigatay ayagoo sheegaya in lix qof ay ku dhinteen shilka.

Qeyb ka mid ah tareenka oo ka soo raaracday buundo dusheeda ayaa la arkay, halka qaar kale ay waddada iyo geedaha dushooda fuuleen.

Tareenka wuxuu siday 86 qof oo ka koobnaa 77 rakaab ah iyo toddobo shaqaalaha tareenka ah iyo farsamo yaqaanno.

Booliska waxay sheegeen in 19 qof la qaaday ayagoo aan dhaawac ahayn halkan 72 ay dhaawacmeen oo 10 ka mid ah ay qabaan dhaawacyo halis ah.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan